Waa kuma taliyaha dhalay ‘xaaska’ Laftagareen ee dhexdhexaadinaya isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh?

Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho waxa ka socda kulamo la doonayo in xal loogu helo khilaafka u dhaxeeya Dawladda Federaalka iyo Dawlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, waxana magaalada Baydhabo shalay gaadhay taliyaha ciidamada Asluubta ee Soomaaliya Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan, isagoo wadahallo la leh Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.

Sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhaxeeyo dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale waxaa soo baxaya wararka ku saabsan in dawladdu Turkiga lafteedu ay qayb ka tahay heshiisiinta dhinacyada khilaafkani ka dhexeeyo , iyada sida aannu xogta ku helayno ay xidhiidh la sameeyeen dhinacyada Dawladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed ba.

Wadahadalladan oo soo bilawday shalay ayaa illaa maanta socda, iyada oo la filayo in caawa natiijo hordhac ah laga gaadho, sida BBC-du wararka ku helayso.

Waxaana la filayaa in shirkaas ay ka soo baxdo in dhinacyadu si fool ka fool ah u kulmaan, iyaga oo ku kulmaya meel aan Muqdisho ahayn, sida ay BBC-du ka heshay dad ku dhow shirka Baydhabo ka socda.

Sida wararka loo badinaya, Turkiga ayaa ka mid ah goobaha ay suuragalka tahay in ay ku ballamaan in ay ku kulmaan madaxda labada dhinac.

Maxay isku hayaan dowladda federaalka iyo Koonfur galbeed?

.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isku dayaya in madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen lagu qanciyo in uu Muqdisho yimaado si wadahadallo dheeraad ah looga yeesho arimaha taagan, taas oo uu ka caga jideyayey Cabdicasii Lafta Gareen.

Arimaha la isku hayo waxa ka mid ah doorashada maamullada, tan Federaalka iyo shirka soo socdo ee wadatshiga Qaran. Wararku wax ay sheegayaan in ilaa iyo hadda aysan wax natiijo ahi kasoo bixin kullamada Taliyaha Ciidamda Asluubta iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Dhanka kale maalinnimadii shalay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisha waxa uu kulan ku dhexmaray siyaasayiiin reer koonfur Galbeed ah oo mucaaradsan Madaxweynaha Koonfur Galbeed CabdicasiisLaftagareen iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.

Siyaasiyiinta la kulantay safiirka Maraykanka waxa ka mid ahaa Guddoomiyaashii horre ee Baarlmaanka Federaalka ah, Shariif Xasan Shelh Aden iyo Maxamed Mursal, Wasiirki hore ee maaliyada ee Soomaaliya Maxamed Aden Fargeeti iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah, waxayna ka wada hadleen arimaha doorashada iyo sidii ay u dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah.

War kooban oo lagu soo qoray barta ay saffaaradda Maraykanka ku leedahay barta X, ayaa lagu sheegay in ay caafimad u tahay dimuquraadiyadda in la dhageysto hogaamiyaasha mucaardka iyo in la xushmeeyo arigtitooda.

Dhawaan ayay ahayd markii Ra’isulwsaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Bare uu booqsho ku tagay magaalada Baydhabo halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha koonfur Galbeed.

Dib u milicsi: Sidee ayay u dhacday doorashadii Koonfur Galbeed?

Doorashada Koonfur Galbeeda waxaa aad ugu kala qeybsamay siyaasiyiinta iyo bulshada maamulkaasi.

Dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin wax garadka ayaa in muddo ahba ku celcelinayay in Cabdicasiis Lafta Gareen uu yahay siyaasi ay gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka, iyagoo arrintaasna ku qeexay farogalin lagu sameeyay hannaankii doorashada.

Dad kale waxay ku doodayaan in dowladda dhexe ay waddada u xaadhaysay siyaasigan si uu xilka ugu hanto qaab sahlan.

Waxyaabaha ay ku doodayaan waxaa ka mid ah in labadii siyaasi ee loollanka adag galin lahaa ay meesha ka baxeen.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa is casilay doorashadana isaga hadhay ka dib markii uu ka cawday cadaadis siyaasadeed oo la saaray.

Sidoo kale, maalmo yar ka hor xilliga doorashada loo ballansanaa, waxaa xabsiga loo taxaabay Mukhtaar Roobow, oo loo arkayay inuu ka mid ahaa musharraxiinta ugu cad cad doorashada, shakigana galin karay inuu xilkan ku soo baxo Cabdicasiis Laftagareen.

Waxaana doorashadaas oo muran badan hadheeyey ku guulaystay Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen), isaga oo wakhtigaas helay codad gaadhayo 101 cod halka musharraxii kusoo xigay Aadan Maxamed Nuur Saransoor uu helay 22 cod.