Waa Kuwee Tusaalooyinkii Soo Jiiday Damaca Itoobiya?

9- January-2024 C/laahi Yusuf, Farmaajo Iyo Muusa Biixi” Talaabooyin Is,Xig_Xiga Oo Xoojiyay Damaca Itoobiya

Inyar ka dib doorashadiisii 10_kii October 2004_tii C/laahi Yusuf waxa uu albaabka ka furay 70,000 oo ciidamada itoobiya oo uu ugu yeeray Inay soo galaaan gudaha Somalia kuwaas oo maalmo kadib xarunta wasaarada gaashaandhiga Somalia ka taaagay calanka itoobiya.

Korneyl C/laahi yuusuf axmed ayaa rumeysnaa in itoobiya ay dalka u qabneyso laakiin qof kaa xoog badan dal kuuma qabtee wuu kuugu qabsadaa

Qabjabkii Somalia 🇸🇴 waxaan ka dhashay khasaarihii dhimashada dad ka badan 6000 oo qof oo #Muqdisho kaliya lagu dilay.

Burburka balaaran ee taariiqdu aysan ka cafineeynin inay galiso baal madoow kuwii ka masuulka ahaa inay itoobiya ugu gacan haatiyay inay soo gasho gudaha Somalia ayna dhibaateeyso dadka Soomaaliyeed.

Kadib Saacado yar oo booqasho uu Abiy ku yimid Magaalada Muqdisho 16 Juunyo 2018_kii Farmaajo waxa uu ku dhawaaqay bixinta 4 dakadood taas oo hadii uu soo laaban lahaa ay dhici laheyd mid ka xanuun badan tan Muusa biixi ee 20_ka kilomitir

Prof Jawaari ayaa todobaadkan cadeeyay in farmaajo uu diiday in uu sixiixo sharci ay labada aqal dalka ua mamnuuceen shirkada DPWORLD isaga oo taas badalkeed sharfaya Raysilwasaaraha itoobiya Abiy Ahmed ooy sxb dhow ahaayeen xili itoobiya dekads barbara laga siiyay saamiga %19

Muusa biixi ayaa dhameystiray 1_dii January 2024_tii hindisooyinkii farmaajo iyo C/laahi yuusuf markii aqoonsi u raadinta Gobolada waqooyiga Somalia ee Somaliland uu la gaaray meel halis oo markii ugu horeeysay itoobiya gaarsiineysa riyooyin soo taxnaa

Waa Socotaa …

Leave a Reply