19″ December “2020”
Guddiga doorashada heer Federaal ee lagu muransan yahay ayaa laga raray Hotelka Decele ee ku yaala gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo muddo todobaadyo ay degenaayeen.
Guddiga ayaa la dejiyay dhismo ku dhow garoonka diyaaradaha, gaar ahaan hotel ku yaalla Wadada Jaayga ee garoonka bannaankiisa, halkaasoo ay ku shaqeyn doonaan, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Guddiga.
Lama oga sababaha looga raray Hotelka Decale inay bilow u tahay qorsha la damacsan in xubno ka tirsan guddiga is bedel lagu sameeyo, maadaama lagu eedeeyay in qaarkood ka tirsan yihiin Nabadsugida iyo shaqaalaha rayidka ee dowladda.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed ayaa dhowaan sheegay in dowladda diyaar u tahay in hal iyo labo xubin oo guddiga ah inay is bedel ku sameeyaan, inkastoo Midowga Musharaxiinta ay dalbadeen in dhammaan guddiga la kala diro.
Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa dhowaan shir isugu imaan doona, kaasoo looga arrinsan doono sida laga yeelayo guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee lagu muransan yahay.