16″December “2022”
khalalaasaha cuntada aduunka ayaa ka sii daraya iyadoo Maraykanku uu africa u balan qaaday in uu ka gacansiinayo sidii wax looga qaban lahaa sugnaan la,aanta cuntada
Nidaamka cuntada dunidu waa mid isku xiran oo ka adag sidii hore, oo lagu dhisay lakabyo ku-tiirsanaan caalami ah iyadoo dagaalka ka socda Yurub ee u dhaxeeya Ruushka Iyo Ukraine uu noqday sababta uga sii dartay karorka macaluusha iyo cuno yaraanta Somali – Ethiopia iyo qaybo ka mid ah Kenya .
Dalalkan Geeska Africa oo ku tiirsan soo dejisa inta badan sarreen dibada kaga yimaada ayaa arkay sahaydii rootiga oo hal habeen burburtay markii uu joogsaday dhoofinta qamadiga Ukraine.
Laga soo bilaabo COVID-19 ,dagaalkii Ruushka ee Ukraine Iyo ilaa isbeddelka cimilada, ayaa u muuqda 壯陽藥 horseedka masiibooyin dunida ku habsaday si ay u sii kordhiyaan culeeys gaajo iyo nafaqadro xambaarsan.
Warbixintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay ee gaajada ayaa lagu ogaaday kororka tirada dadka nafaqo-darrada ah ee adduunka oo dhan sanadkan in ay meesha ka saartay horumar kasta oo la sameeyay tobankii sano ee la soo dhaafay.
Haddana iyada oo aanay dunidu arag gaajo heerkan ah muddo sannado ah, ayay khuburadu muddo dheer ka digayeen in masiibo soo fool leedahay.
Laakiin halkii laga dhimi lahaa jilicsanaanta nidaamka cuntada, dadaalladii ugu dambeeyay ee caalamiga ah ee uu Maraykanku hormuudka ka ahaa ee lagu joojinayay gaajada ayaa sii xumeynaya – gaar ahaan Afrika – iyadoo nidaamka caalamiga ah la sii kordhinayo.
Toddobaadkan uun, madaxweynaha Maraykanka Joe Biden waxa uu u ballan qaaday hoggaamiyayaasha Afrika ee isugu yimid Washington in Maraykanku “dhammaantood uu ka gacansiinayo yareeynta khalalaasaha cuntada” Iyadoo Afrika- ay u baahan tahay la socodka la balanqaadkaas fulintiisa in loo maray jidka saxda ah, gaar ahaan marka ay timaado khatarta cunto yarida soo foodsaartay qaybo ka mid ah dadka qaarada oo qalaylka abaaraha iyo roob la,aanta ay qasab ka dhigtay in ay ka niyad jabaan qodoshada beerahooda
Qalalaasaha hadda jira ayaa bilaabmay markii naxdintii badaneyd ee masiibada Covid-19 ay ku soo biireen xiritaanno sababay hoos u dhac dhaqaale oo caalami ah iyadoo Isbeddelka cimilada, sicir-bararka iyo dagaalka Ukraine ay sii xumeeyeen xaalada .
Culaysyadan, ayaa Africa tustay jiritaanka nidaam cunto oo adag oo aad u sarreeya oo aan awoodin in uu u adeego dadka ugu baahida badan adduunka xitaa iyada oo ilaalinaysa sahayda joogtada ah.