6- October-2023
Sida uu Xasan Shiikh u Guranayo Miro qaraar oo uu Farmaajo Beeray !!
Waxaa xoogeysanaya khilaafka ka taagan xilliga uu ku eg yahay muddo xileedka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Lafta gareen wuu ogyahay siduu ku yimid inaaney aheyn si Qurux badan marka loo eego dhiigii badanaa ee u daatay Kursiga uu mudo dhaafka ku fadhiyo Iyo in farmaajo isku diray dadka digil mirifle markii Howlgal ismiidaamin siyaasadeed ah Lagu ku geeyay K/galbeed laakiin Xasan shiikh muxuu ka badali karaa arinkaas?
Waxay ahayd inay noqoto mid laga gudbi karo caqabada khilaafka siyaasdeed ee doorashada K/galbeed markii uu Madaxweyne Xasan Shiikh uu la kala kulmay dhinacyada isku haya maamulkaas.
Muranka doorashada maamulka K/galbeed ayaa ah miisaan culeys ku sii kordhinaya Madaxweynaha ku mashquulsan la dagaalanka Argagixisada kaas oo hada ka hor maslaxad ku soo dhameeyay mar gacanta laysula tagey
Doorashada K/Galbeed ayaa leh raadad taariiq wanaasan iyo kuwo xun “
Xadgudubyo ka dhashay xoog addeegsigii ciidamada itoobiya oo maamulkii farmaajo u xilsaartay inay Lafta gareen ka dhigaan Madaxweynaha K/galbeed Iyo Xarigii Musharaxa Muqtaar Rooboow ayaa horey u kicisay dareenka dadka Digil iyo Mirifle oo sameeyay dibadbaxyo rabshado wata oo kale in dalka laga ceyriyo ergeygii xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsanaa arimaha Somalia
Gudoomiyaashii hore ee baarlamaanadii Somalia soo Maray oo uu ku jiro Mursal oo 2 sano mudo kordhin dagaal dhaliyay u sameeyay maamulkii farmaajo ayaa hogaaminaya diidamada mudo kororsiga lafta gareen oo kooxdiisu ay ku doodeyso in dabayaaqada 2024-ta uu Ku egyahay mudo-xileedkooda.
Hadaba K/galbeed halkee bay uga dhaqaaqi dootaa Isgooyska Ay taagan tahay ?