Waa sidee xaaladda Masjidka Abuubakar Al-Sadiiq ee loo hanjabay

Laamaha amniga ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa maamulka masjidka Abuubakar Al-Sadiiq ku wargaliyay inay jiraan handadaado soo gaaray booliiska kuwaas oo ku wajahan masjidka lana soo galiyay qaybo kamid ah baraha bulshada oo lagu tilmaamay inay dad xagjir ah leeyihiin.

Kadib wargalintii booliiska ee handadaadda ku socotay masjidka waxaa hakaday duruustii kala duwanayd ee ka socotay masjidka.

Caadiyan Sabtida iyo Axadda oo ah laba maalmood oo fasaxa ah oo aan la aadin shaqooyinka qaar iyo waxbarashada ayaa waxaa masjidka tagi jiray dad u badan dhalinyaro oo ka barta Qur’aanka halka sidoo kale masjidka ay ka socdeen duruus kale oo diini ah.

Masjidkaan oo ku yaalla Koonfurta Minneapolis ayaa kamid ah masaajidda ugu waawayn ee goblka Minnesota ee ay maamulaan jaaliyadda Soomaalida.

Horay masaajiddo kale iyo masjidkaan Abuubakar Al-Sadiiq waxa ay la kulmeen hanjabaado kaga yimid kooxo xagjir ah iyadoona dhowr jeer ay ka baqeen weerarro.

Maamulka masjidka oo BBC-da uga warbixiyay handadaadda soo gaartay

Maxamed Hambaase
Qoraalka sawirka,Maxamed Hambaase maamulaha masjidka Abuubakar Al-Sadiiq

Maxamed Hambaase oo ah maamulaha masjidka Abuubakar Al-Sadiiq, ayaa BBC-da uga warbixiyay handadaadda soo gaartay Masjidka waxa uuna tilmaamay in amniga Masjidka uu suganyahay haatan kadib markii dhawaan ay laamaha amniga ee gobolka Minnesota ku wargeliyeen inay jiraan warar sheegaya in la soo werrari karo masjidkaas.

“Habeenimadii Jimcada waxaa nooyimid booliiska iyo laamaha kale ee amniga gobolka Minnesota, waxa ayna nagu wargaliyeen inay jiraan handadaado ku wajahan masjidkaan oo la soo galiyay baraha bulshada ay leeyihiin xagjirka,” ayuu yiri Maxamed oo ah maamulaha masjidka.

Waxa uu intaa ku daray in laamaha amniga ay u sheegeen inay wadaan baaritaanno la xiriira arrinkaas ayna dabagal ku hayaan dadkii baraha bulshada soo galiyay hanjabaadahaas lana soo qaban doono sharcigana la horkeeni doono.

Maxamed Hambaase ayaa xusay in haatan amniga masjidka ay la wareegeen dowladda gaar ahaan ciidanka booliiska.

Waxa uu dhanka kale sheegay in saamayn wayn aysan ku yeelan dhanka Salaadihii lagu tukan jiray masjidka balse hakkad uu galay duruustii kale ee ka socotay masjidka.

“Maadaama ay wax dhici karaan waxa aan hakad galinay barashadii Qur’aanka iyo duruustii kale fasax ayaana galinay ardayda, balse hadda dib ayaan u furnay, haddana baqdin badan ma jirto,” ayuu yiri maamulaha masjidka.

Dhanka kale waxa uu tilmamaay in tani ay kamid tahay handadaadaha ay la kulmaan bulshada Muslimka ah ee ku nool dalkaas iyadoo horay loogu handaday goobo waxbarasho, masaajiddo iyo goobaha kale ee ay isugu yimaadaan sida uu Maxamed BBC-da u sheegay.

Masjidka Abuubakar Al-Sidiiq
Qoraalka sawirka,Masjidkaan oo ay leeyihiin jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa ku yaalla Koonfurta Minneapolis waxa uuna kamid yahay kuwa ugu waawayn goblka Minnesota

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Minneapolis ayaa billaabay dadaallo ku aadan diyaargarow iyo wacyigalin kadib handadaadda soo gaartay masjidka, iyadoona muddooyinkaan danbe waxbadan laga badalay amniga goobaha dadku isugu yimaadaan iyo masaajidda.

Masjidka Abuubakar Al-Sadiiq oo ay maamuleen bulshada Soomaalida ah ayaa ku yaalla Koonfurta magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, waxaana la diiwaan galiyay sanadkii 1998, iyadoona la furay sanadkii 2006, waxa uuna kamid yahay masaajidda ugu waawayn gobolka kaas oo xilliyada tartamada Qur’aanka iyo Ciidaha ay isugu yimaadaan bulsho aad u badan sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Hambaase oo ah maamulaha masjidka Abuubakar Al-Sadiiq