Waa war aad u wanaagsan in IFAD ay dib u bilaabi doonto maalgashi toos ah kadib deymo la’aan ayuu yiri C/raxman C/shakuur

15″ Feb “2023” SONNA”

Waa war aad u wanaagsan in IFAD ay dib u bilaabi doonto maalgashi toos ah ka dib nadiifinta deynta keentay hakinta dheer ayuu yiri Ergeyga Madaxweynaha Somalia u qaabilsan Arimaha bani,aadanimada C/ raxmaan C/shakuur Dheeho.com

Waxaa la joogaa waqtigii Soomaaliya laga taageeri lahaa beeraha u adkeysan kara cimilada & in wax laga qabto caqabadaha waraabka iyo xaalufka dhulka ayuu yiri Cabdiraxman cabdi shakuur soo dhaweeyay maalgashiga beeraha Somalia ee sanduuqa qaramada midoobay ee horumarinta beeraha,

Cabdiraxmaan cabdishakuur ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal kooba oo uu kaga ahiyada ay somalia ugu fadhiso talaabda maalgashiga IFAD Isaga oo xusay dadaalka uu arintaas u galay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo soo bandhigay fursadaha ka jira horumarinta beeraha Somalia

Hadalka Ergeyga ayaa yimid markii shalay Somalia🇸🇴 laga Cafiyay deyntii sanduuqa Qaramada Midoobe ee Horumarinta Beeraha iyadoo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ka qaybgalay kalfadhiga 46-aad ee Sanduuqa Horumarinta Beeraha Qaramada Midoobay ee IFAD ayaa uga mahad celiyay cafiska deymihii lahaa Somala dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka

Leave a Reply