Banaanbaxa waalidiinta ” Beeninta Dube Iyo Baaryaasha Qaramada Midoobay !!

10″ June” 2021″ Thursday ”Muqdisho

Qaar ka mid ah waalidiinta carruurtooda tababarka loogu direy dalka Eritrea ayaa saaka ka dhigay banaanbax ay ku dalbanayaan in carruurtooda dib loogu soo celiyo dalkooda

Waalidiintan oo watay boorar ay ku qoran yihiin halku dhegyo ay ku dalbanayaan in ilmahooda dowlada meel ugu sheegto amaba ay dalka ku soo celiso.

Mid ka mid ah waalidiintan ayaa sheegay in labo dhalinyaro ah oo midna uu aabbe u yahay midna uu adeer u yahay ay kamaqan yihiin markii horena loo sheegay in dalka Qadar la geynayo balse la geeyay dalka Eritrea illaa iyo hadda uusan ka warqabin inay nool yihiin iyo inkale.

Dhawaan ayaa waxaa warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay lagu sheegay in ay ogaatay in ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay dalka Eritrea ay ka dagaalameen gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya.

Dubbe; ”Ma jiro Askari ka tirsan Ciidamada Soomaaliya oo ka dagaalamay Tigray”

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta Cismaan abuukar Dubbe ayaa beeniyay arin u muuqata in uusan wax badan kala socon oo ku saabsan dhalinyaradii tababarka ciidan loogu dalka Eritrea, oo baarayaal ka tirsan Qaramada midoobay ay xaqiijiyeen inay ka dagaalameen Gobolka Tigray.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaarada warfaafinta ayaa sheegay inuusan jirin askari ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo ka dagaalamay gooblka Tigray isagoo sheegay in ay warbixinta ay soo saartay Qaramada Midoobay ay tahay mid qalad ah oo ay cabasho ka gudbiyeen.

“Waa wax kama jiraan, Ma jiro ciidan Somaliyed oo Tigreey ka dagaalamay. Dhalinyaradeena waxey wali Eritrea noogu maqan yihiin Tababar mana jiro qof ka dhintey iyagoo caafimaad qaba ayay dib ugu soo laaban doonaan dalkooda marka ay tababarka dhamaystaan”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Shirka jaraa’id ee uu ugaga hadlay arrimaha la xiriira ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka ugu maqan dalka Eritrea ayaa ku soo beegmay xilli saaka ay banaanbax ka dhigeen magaalada Muqdisho qaar ka mid ah waalidiinta carruurtooda ay tababarka uga maqan yihiin dalka Eritrea.Inkastoo uu beeninayo dube hadana Warbixin uu soo saaray Baaraha Khaaska ee Guddiga QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa lagu bidhaamiyey inay Ciiddanka Soomaalida ee Tababarka loogu qaaday Eritrea ay  ku lug lahaayeen dagaalka horseeday geerida Kumanaan qof iyo Barakaca Tobanaan kun oo kale ee gobolka Tigray

https://dheeho.com/2021/06/08/warbixin-ay-qaramada-midoobay-soo-saartay-ayaa-tilmaameeysa-ciidankii-soomaalida-ee-tababarka-loogu-qaaday-eritrea-in-ay-ka-dagaalameen-gobolka-tigray/

Leave a Reply