Waaxda Adeegga Dad-Dhigidda Banadir oo dib loo howl-geliyay

Maamulka Gobolka Banadir ayaa todobaadkaan dib u howl-geliyay Waaxda Adeegga Dad-Dhigidda, taas oo aanan dalka ka shaqeyn muddo ku siman 34 sano.

Waaxdan oo hoos timaada Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa qabato adeegyo ay ka mid yihiin diiwaangelinta carruurta ku dhasha isbitaallada, soo saarista iyo bixinta shahaadooyinka guurka iyo furriinka iyo wixi la mid ah.

Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabaddi furitaanka ka hadlay ayaa sheegay, in Waaxda Dad-Dhidda ay hadda diyaar u tahay fulinta adeegyadi horay loogu yiqiinnay.