Tuesday ” 24″ Aug” 2021″ Jowhar
Wabiga Shabelle ayaa ka fatahay deegaano ku dhow magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle kadib markii uu wabigu soo buux dhaafiyay
Wabiga ayaa ka fatahay meel u dhexeysa magaalada Jowhar iyo deegaanka Moyko oo dhinaca Koofur ka xigta magaalada Jowhar, iyadoo wabiga uu ka fatahay meel aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada dowlad goboleedka Hirshabelle.
Biyaha ka fatahay meel u dhexeysa Moyko iyo Jowhar aya waxaa ay ku sii fidiyaan deegaano hor leh iyadoo biyaha ay ka gudbeen wadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Jowhar iyo magaalada Muqdisho.
Fatahaada wabiga ayaa waxa ay gaareen kontaroolka laga galo magaalada Jowhar halkaa oo ay ka barakaceen qoysas degenaa.
Sidoo kale wabiga Shabelle ayaa ka fatahay deegaanka Timire oo dhinaca Waqooyi Bari ka xiga magaalada Jowhar iyadoo biyahaasna ay sababeen in ay baabi’iyaan dhul ballaaran oo ay dalagyo kala duwan ku abuuran yihin.