LYON, France Wakaalada Wararka Associated Press
Baadari diimeed Giriigga ah ayaa la toogtay isagoo xidhaya kaniisaddiisa magaalada Lyon ee dalka Faransiiska,
maamulka ayaa xidhay qayb ka mid ah magaalada si ay u ugaarsadaan ninka falka geeystay oo goobta Ka baxsaday
Saraakiisha booliiska iyo shaqaalaha samatabbixinta ayaa xayiray marinka goobta kadib markii la toogtay baadari Greek Orthodox wadaad Sabtidii Oktoobar 31, 2020 xilli uu xidhayay kaniisaddiisa magaalada Lyon, badhtamaha Faransiiska. Baadariga oo heysta dhalashada Giriigga ayaa ku jira isbitaal maxalli ah isaga oo qaba dhaawacyo halis u ah nolosha kadib markii caloosha looga dhuftay, sida uu sarkaal booliis ah u sheegay wariye ka tirsan wakaaladda wararka Ap
Baadariga oo heysta dhalashada Giriigga ayaa ku jira isbitaal isaga oo qaba dhaawacyo naf-gooyo ah kadib markii labo xabadood looga dhuftay caloosha, sida uu sarkaal booliis ah u sheegay wakaaladda wararka ee AP. Ninka weerarka soo qaaday ayaa kaligiis ahaa waxaana laga toogtay qori ugaarsi, sida uu sheegay sarkaalka oo aan fasax u heysan in si rasmi ah loo shaaciyo.
Booliska ayaa xiray xaafada ay dagan yihiin inta badan dadka degan agagaarka kaniisada, waxayna xireen hal qof oo u eg ninka toogashada fuliyayay, laakiin aan hubeysneyn markii la xirayay, dacwad oogaha Lyon ayaa ku yiri hadal uu soo saaray. Waxay sheegtay in baarayaasha ay isku dayayaan inay ogaadaan aqoonsigiisa.
Habeenimadii markay ahayd Lyon, wariye katirsan wakaalada wararka Ayaa arkay cajalado booliis iyo gawaarida gurmadka ee xaafada oo dhan Booliska qaranka ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in “dhacdo halis ah oo amniga dadweynaha ah” ay socoto.
Sababta toogashadu ma cadda. Waxay dhacday labo maalmood ka dib markii midi xagjir Islaami ah uu weerar ku qaaday kaniisad katoolik ah oo ku taal magaalada Nice ee dalka faransiiska halkaas oo ay ku dhinteen sadex qof, iyada oo ay socotey xiisado juquraafi siyaasadeed ayaa sawiro laga soo qaaday oo lagu jees jeesayo Nabi Muxamed N.N korkiisa ha ahaateea ah ee Muxamed lagu daabacay wargeys faransiis ah ee Charlie Hebdo
Masuuliyiinta la dagaalanka argagixisada ee Faransiiska ayaa la socday kiiska laakiin ma baarayaan toogashadii Sabtidii. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa hawlgeliyay koox gaar ah oo gurmad ah si ay ula socdaan ugaarsiga, waxaana dacwad oogaha Lyon uu furay baaritaan la xiriira isku day dil.
“Ma jirto aragti la doorbiday, ma jirto aragti meesha laga saaray,” Duqa magaalada Lyon Gregory Doucet ayaa wariyeyaasha ugu sheegay goobta. “Ma garanayno marxaladdan ujeeddada weerarkan.”
Antoine Callot, oo ah baadariga kaniisad kale oo Greek Orthodox ah oo kutaala magaalada Lyon, ayaa ku tilmaamay wadaadka la dhaawacay Nikolas Kakavelakis, oo ah aabe jira 45 sano. Callot ayaa u sheegay AP in bulshada Greek Orthodox ee Lyon aysan helin wax hanjabaad ah, laakiin wuxuu sheegay inuu isla markiiba booliska ka codsaday ilaalin nabadgelyo oo kaniisadiisa ah toogashada ka dib.
“Waxaan na haaya walwal iyo walbahaar. Runtii waa wax laga naxo, ”ayuu yiri. “Hadda waxaan u baahanahay inaan dhuumanno oo aan taxaddarno.”
Dadka deegaanka iyo booliska deegaanka oo roondo sameynayay ayaa maqlayay rasaas ka dhaceysay agagaarka kaniisada, markii ay askartu yimaadeen waxay arkeen shaqsi cararaya waxayna ka heleen albaabka dambe ee kaniisada wadaadka la dhaawacay, xeer ilaaliyaha Lyon ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.
Raiisel wasaare Jean Castex wuxuu ku celceliyey balanqaadyadii dowlada ee ahaa in ciidamo milatari la geyn doono goobaha diinta iyo iskuulada. Wuxuu sheegay in dadka Faransiisku ay “isku hallayn karaan qarannimada si ay ugu oggolaadaan inay ku dhaqmaan diintooda nabadgelyo buuxda iyo xorriyad.”
Dowlada ayaa balan qaadeysay amaanka dheeriga ah kaniisadaha, masaajida iyo goobaha kale ee diinta hada dhowr maalmood hada, laakiin wariyeyaasha AP waxay arkeen calaamado muuqda oo muujinaya joogitaanka booliska ama militariga. Cidina ma ilaalinaynin kaniisadda lala beegsaday Sabtidii Lyon, ama kaniisaddii lagu weeraray Nice khamiistii.
Wasaaradda arrimaha dibedda ee Giriigga ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Waxaan cambaareyneynaa weerarka lagu qaaday wadaadka Orthodox ee asal ahaan ka soo jeeda Griigga agagaarka Kaniisadda Annunciation ee Lyon, France. Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay xiriir joogto ah la leedahay maamulka awoodda u leh Faransiiska. ”
Isaga oo raadinaya in la dejiyo xiisadaha isla markaana la sharaxo difaaca Faransiiska ee kaartada nabiga, Madaxweyne Emmanuel Macron wuxuu bixiyay wareysi laga sii daayay shabakada Carabiga ee Al-Jazeera. Macron ayaa sidoo kale bartiisa Twitterka ku soo qoray “dalkeenu wax dhibaato ah kuma lahan diin kasta. Dhammaantood halkan waxaa looga dhaqmaa si xor ah! Canbaareyn la’aan: Faransiiska waxaa ka go’an nabada iyo kuwada noolaanshaha wada noolaansho