27″ October “2022
Wadahadal nabadeed ma soo afjari karaan colaadda Itoobiya?
Wadahadaladii ugu horeeyay ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ka socda waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa ka socda Koonfur Afrika.
Dowladda Itoobiya iyo fallaagada ka soo jeeda gobolka Tigray ayaa yeelanaya wada-hadallo heerkoodu sareeyo oo weli lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaal laba sano socday.
Boqolaal kun oo qof ayaa lagu dilay iskahorimaadka, kaasoo sii xoogeystay tan iyo markii uu dagaalku soo cusboonaaday bishii Ogosto ee lasoo afjaray shan bilood oo xabbad-joojin ah.
Midowga Afrika ayaa hogaaminaya wada xaajoodyada ka socda Koonfur Afrika iyadoo madaxwaynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo iyo Kenya Uhuru Kenyatta ay u shaqaynayaan sidii dalaal.
Waa maxay fursadaha lagu soo afjarayo khilaafka? Muxuuse qolo waliba rajo ka qabtaa inuu helo?
Su,aallahaas iiyo kuwa kale oo badan ayaa Ku hareereeysan madasha wadahalku ka socda kuwaas oo aan wali wax jawaab ah loo heeyn