Daawo: Wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo wareeg seddexaad loo ballamay

Wararka ka imaanaya magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in maanta uu soo xirmay kulan laba maalmood halkaa ka socday oo la doonayey in lagu xalliyo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulanka ayaa billowday shalay oo ahayd 12 Agoosto, ayadoo ay hogaaminayeen labada dhinac wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya Axmed Macallin Fiqi iyo Taye Atskeselassie.

Wadahadalladan ayaa ahaa kuwo laga soo hormariyey wakhtigooda, maadaama Turkigu u arkay in hadda la joogo meel wanaagsan oo aysan khasab ahayn in la sugo ilaa bisha Siteembar. Arrintan ayaa timid ka dib markii uu wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan uu gobolka booqasho ku yimid, sidoo kalena madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Erdogan ayaa telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Shalay ilaa xalay oo ay kulamadu socdeen ayeysan wax natiijo ah ka soo bixin, qodobbadii la doonayey in la xalliyana wax natiijo ah lagama gaarin, waxaana ugu muhiimsan arrinta khilaafka weyn keentay ee ah heshiiskii isfahan ee horraantii sannadkan dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.

Arrinta kale ee aan la isku afgaran ayaa iyana ah sida ay Itoobiya marin badeed u helayso. Qodobbadaas ayey labada dhinac mowqifyo adag ka taagnaayeen, waxaana dhowr goor isla shalay u kala dabqaaday labada dhinac wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ee shirkana marti geliyey, Hakad Fidan.

Ilo shirka ku dhow waxay BBC u sheegeen in sidaa uu shirku ku soo xirmay, ayadoo loo ballamay wareeg seddexaad in loo gudbo, kaasoo dhici doona bisha Siteembar inkastoo aan la sheegin taariikhda rasmiga ah ee wareegga seddexaad ee wadahadallada.

Wasiirka arrimaha dibadda ee soomaaliya Axmd Macallin Fiqi ayaa isna bartiisa X qoraal kooban soo dhigay. ”Waxaa soo dhamaaday wareeggii 2aad ee wadahadalka inoo dhexeeyey annaga & dawladda aan deriska nahay. Mahad ballaaran walaalaheen Türkiye oo dadaal weyn bixiyey, gogosha 3aadna dalkooda lagu ballamay. Soomaaliya mawqifkeedu waa hal mid oo aan aqbalayn ‘ku qabso ku qadi mayside’”.

Waxaa 1-dii Janaayo magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday heshiis is afgarad ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska dekedda ku tilmaantay mid laga xumaado oo aan la qabali karin.

Qareen Guuleed Dafac oo ka faallooda arrimaha Somaliland ayaa sheegay in wali ay jiraan waxyaabo aan kala cadeyn oo ku saabsan wadahadalada, islamarkaana aan laga hordhici karin natiijadooda.

Laba wasiir

Waxaa uu intaa ku daray in haddii ay dhacdo in Itoobiya ay ka noqoto is-afgaradka ay Somaliland u arki karto khayaano lagu sameeyay.

Waxay ila tahay in Somaliland ay u arki doonto inuu yahay arrin heshiis ka bax ah oo ay Itoobiya ku sameysay mana soo dhaweyn doonto, waxaanan filayaa inay ka xumaan doonto inay taasi dhacdo, oo ay u arki doonto in la khayaameeyay oo lagaga baxay heshiiyo muhiim u ahaa inay gasho” ayuu intaa ku daray.

“Haddii heshiiskaas laga noqdo waxay si gaar ah u taabanaysaa madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo heshiiska galitaankiisa ka dhigay arrin u muhiim ah isaga iyo dib u doorashadiisa”ayuu yiri Mr Guuleed.

Maxamed Xirsi salaad (Dhegaweyne) oo ka faallooda arrimaha gobolka ayaa dhanka kale sheegay in Turkiga uu maalgashaday soomaaliya iyo Itoobiya labadaba, islamarkaana uu labada dalba saaxiib la yahay, taasi oo u sahleysa in uu labada dhinacba u noqon karo meel dhexe.

“Doorka Turkiga waxaad dareemeysaa 10 sano ee la soo dhaafay inay sii kordhayso dadaalkiisa Afrika gaar ahaan geeska Afrika, Soomaaliya iyo Itoobiya labaduba Turkiga wuu maalgashtay labadiisa gacmood waaye waana sabbata keenaysa in uu isu keeno” ayuu yiri Dhegaweyne.