Waddooyinka Muqdisho oo Saaka Xiran Iyo Shacabka Oo Walaac Ka Muujiyay

Waxaa saaka Xiran waddooyinka  ugu muhiimsan isku socodka  dad weynaha ee Maagaalada Muqdisho, waxaana saaka shacabka Muqdisho ay ku waabariisteen waddooyinka Caasimadda oo xiran iyo Ciidamo farabadan oo lasoo dhoobay waddooyinka.

Waxaa la arkayaa dadka shacabka ah oo saaka lugeynaya waddooyinka mana jiraan wax gaadiid dadweyne ee isticmaalaya waddooyinka waa weyn inta badan shacabku ay isticmaali jireen.

Sababaha keenay in la xiro ayaa lagu sheegay shirka wadatashiga ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada dalka, kaas oo la filayo in saacadaha soo aaddan uu ka furmo Muqdiosho.

Wali ma furmin shirka u dhexeeyay mas’uuliyiinta ku ballansanaa Muqdisho ee lagu waday in maanta oo Khamiis ah uu si rasmi ah u furmo shirkoodu.

Waxaana lasoo sheegayaa in shirka u dhexeeya Dowladda dhexe iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada uu dib u dhac uu ku yimid shirkii loo ballansdanaa.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ay jiraan sababo dhowr ah oo keenya in shirkaasi uu dib u dhaco, waxaana la sheegay in ay wali taagan yihiin khilaaf yadii u dhexeyay dowladda dhexe iyo maamulada Jubbland iyo Puntland.

Leave a Reply