8″ June “2022” Muqdisho
Wafuud ka socota dalalka Afrika iyo dalalka kale ee dunida oo doonaya in ay ka qeybgalaan Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ferderaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaraya magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ka jira saxmad xooggan oo ku aadan soo dhaweynta Wafuuda sida isdaba joogga ah usoo gaaraya Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweynayaya Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.r
Mas’uuliyiinta yimid Muqdisho ayaa waxaa ku jira Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka mid ah Barlamaanka dalka Kenya ahna guddoomiyaha degmada Kaamkuuji ee Xaafada Islii iyo qaar ka mid Ganacsatada xaafada犀利士 Islii, kuwaasi oo ka qeyb galaya Xaflada Caleema-saarka.
Sidoo kale wufuuda soo gaartay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ku jiray Wafdi ka socday Uturka ONLF oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Ururkaas Cabdiraxmaan Maadeey, waxaana Garoonka kusoo dhaweeyay Wasiirka Amniga iyo Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee dowladda Federaalka.
Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu wadaa inay ka dhacday Magaalada Muqdisho maalinta berri oo khamiis ah, waxaana ka qeyb geli doona Madax farabadan oo la casuumay.