12- July-2023
Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay mowfiqkeeda ku aaddan colaadda ka aloonsan magaalada Laascanood ee gobolka Sool, kadib markii mid ka mid ah hoggaanka dhaqanka deegaankaas uu ku eedeeyay dowladda federaalka inay garabsiineyso ‘duqeynta Somaliland’.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka hadlay kulan xalay lagu qabtay magaalada Nayroobi ayaa eedeynta jeediyay, isaga oo si gaar ah u eedeeyay madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.
Ciidamada Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland iyo kuwa beesha Laascaanood ayaa halkaas ku dagaallamaya muddo ku dhow siddeed bil.
Dadka deegaanka ayaa doonaya in ciidamada Somaliland ay isaga baxaan dhammaan deegaankooda iyo inay qeyb ka noqdaan dowladda Soomaaliya, halka Somaliland ay ku adkeysaneyso inay iyadu mas’uul ka tahay dhammaadka waxa loogu yeero ‘xuduudaha Ingiriisku’ ka tagay ee Somaliland la isku yiraahdo.
Colaadda oo muddo dheer socota ayaa sababay khasaare nafeed oo ballaaran iyo mid dhaqaale, iyada oo ay dadka rayidka badidood ka qaxeen guryahooda iyo hantidooda magaalada Laascaanood.
Halkee kala taagan yihiin dhinacyada dagaallamaya?
Somaliland billowgii dagaalka waxay sheegtay in Laascaanood ay kula dagaallamayaan qaar ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyo ciidamada dowladda Puntland, iyo xitaa kuwa dowladda federaalka ah. Se, dagaalka waxa uu markii hore ku bilowday dibadbaxyo ay dhigayeen dad careysan, kuwaas oo ka dhashay dilal magaalada loogu geystay waxgarad iyo siya犀利士 asiyiin uu ugu dambeeyay Cabdifitaax Cabdulaahi Hadraawi oo ahaa in dhalinyaro ah. Waxaa Cabdifitaax la dilay bishii December ee sanadkii hore.
Maamul goboleedka Puntland iyo dowladda federaalka ahba horey ayay u beeniyeen eedeynta Somaliland. Laakiin madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo mardambe hadlay ayaa sheegay in aysan dowladda Puntland gacanta ka laaban doonin colaadda ka taagan Laascaanood. Hadalkaas ayaa dabo-socday eedeymo hore oo tilmaamayay in qeybo ka mid ah ciidamada Puntland, iyo kuwa beelaha deegaanka maamulkaas ay qeyb ka yihiin Puntland.
Hoggaanka dhaqanka ee Sool waxay iyagu ku celceliyeen inay doonayaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan dhulkooda, iyaga oo ku eedeeyay ciidamada Somaliland weerarro iyo duqeymo ‘arxandarro ah’ oo ay ka geysteen magaalada Laascaanood. Laakiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo hadlay horraantii toddobaadkan ayaa ka bari-yeelay dowladda federaalka iyo shacabka deegaanka colaadda ka taagan Laascaanood, isaga oo eedda markan ku koobay dowladda Puntland.