11″ December “2022
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Midowga Afrika oo Maanta gaaray magaalada Baydhabo.
Wafdi ka socday Midowga Afrika ayaa waxaa hoggaaminayey Danjire Adenkule J.M.King, Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Wakiilada Joogtada ah ee Midowga Afrika ee Arrimaha Qaxootiga, soo noqoshada iyo Barakacayaasha (IDPs) ahna Safiirka Dowladda Sieraliyon ee Dowladda Itoobiya.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada,La-taliyaasha Madaxweynaha iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada, ayaa waxaa Diirada lagu saaray Arimaha Barakacayaasha, Amniga guud deeganada Koonfur Galbeed iyo sidii wax loogu qaban lahaa Dadka ay saamaysay Abaarta ka dhacday Guud ahaan Dalka.
Danjire Adenkule ayaa Macaawano loogu talagalay Dadka Barakacayaasha sidii wax loogu qaban lahaa ku wereejiyey Wasiirka Gargaarka iyo Guddoomiyaha degmada Baydhabo.