Wafdi Ka Socda Dowladda Britian Oo Madaxweyne Farmaajo Kala Hadlay Caqabadaha Hortaagan Doorashada !!

9″ December “2020 Muqdisho”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska James Duddridge ayaa la wadaagay qorsheyaasha hirgalay ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib u dhiska Ciidamada, la dagaallanka wax loogu yeero argagixisada iyo musuq-maasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo dadaallada dib u heshiisiinta.

Inkasta oo wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Balal Maxamed Cismaan oo kulanka ka qeyb galay uu ku waramay wadahadalladu in ay ahaayeen kuwo miro-dhal ah hadana wafdiga Ka socda dowlada Britain ayay wararku sheegayaan in madaxweynaha ay kala hadleen caqabadaha hortaagan doorasada

“ILLO XOGOGÀAL AH ayaa laga Soo xigtay in madaxweeynaha cadaadis lagu saaray qabashada doorasho lays la ogolyahay .

,WASIIRKA Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska James Duddridge ayaa dowladda ku bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay ee hannaanka dib u habeynta Ciidamada, Kobcinta Dhaqaalaha iyo qorshaha hirgelinta doorashada.

Intaas kaddib, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyey Xafiiskiisa wafdiga Ingiriiska, waxa uuna dul istaagay dadaallada Xukuumadda ee hirgelinta doorashada si ay waqtigeeda ugu qabsoomto, iyadoo la raacayo heshiiskii siyaasadeed ee ay gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Kulankan waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Xasan Macallin Khaliif iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cismaan, halka dhanka Ingiriiska uu ka qeyb galay Danjiraha Dowladda dalkaas ee Somaaliya Ben Fender Obe.

Leave a Reply