Wafdi Madaxweynaha Galmudug iyo Xildhibaanno xal raadin ah oo gaaray Baydhabo

8″ April “2022” Baydhabo

Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa goordhow gaaray Magaalada Beydhabo ee Xarruunta KMG maamulka Koofur Galbeed.

Wefdiga ayaa waxaa kamid ah Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo ay ka mid yihiin Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Golaha Shacabka, Mahad Cabdalle Cawad, Mahad Salaad, Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo mas’uuliyiin kale.

犀利士 -99.png” alt=”” class=”wp-image-53285″/>

Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka ayaa wefdiga ku soo dhaweeyay Garoonka Shaati Gaduud ee magaalada Beydhabo.

Mas’uuliyiintan ayaa lagu wadaa in ay Madaxda Maamulka Koofur Galbeed kala hadlaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka la xiriira Saddex kursi oo ay hakiyeen Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FIET.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa joojiyay wada shaqeyntii ay lala lahaayeen Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, iyaga oo diiday in Xildhibaannada lagu soo doortay maamulkaasi ay qaataan Shahaadada Xildhibaannimo.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday kulamo xal loogu raadinayo khilaafkan ka dhashay Doorashada, kuwaasi oo ay wadaan Mas’uuliyiin kala duwan iyo Xubnaha Beesha Caalamka.