Tuesday ” 9″ November “2021” Baydhabo” SONNA
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Dr Cali Saciid Faqi ayaa Qasriga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ay hogaamineysay kaaliyaha Xoghaya Qaramada Midoobey ee Afrika Mss Martha Akyaa Pobee iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.
Wafdiga ayaa shir la yeeshay Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed,waxaana looga hadlaayay dardar gelinta Dooraashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed waxaana warbixin kusaabsan Diyaargarowga Doorashada laga dhageystey Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ( SEIT) Mudane Nuuridiin Ibraahim Aadan wuxuuna sheegay in ay si wanaagsan ay ugu diyaar garoobeen Qabashada Doorashada.
Dhanka kale Wafdiga ayaa waxaa ay booqdeen Goobaha loo qorsheeyey in lagu Qabto Doorashada , iyagoona Bogaadiyey Diyaar garowga Wanaagsan ay ugu jirto Koonfur Galbeed Qabashadeeda Doorashada.
Shirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa ,Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Wasaaradaha KGS , iyo Xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Koonfur Galbeed .