10-Oct-2023-Risaala Tv
Wasiirkii hore ee maaliyadda maamul goboleedka Puntland, ahna musharrax u taagan xilka madaxweynaha ee maamulkaasi, Xasan Shire Abgaal ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan doorashada kusoo socota Puntland.
Musharrax Abgaal oo kamid ah xubnaha ugu cad-cad musharixiinta mucaaradka ayaa soo saaray digniin culus oo ku aadan doorashada, isaga oo fariin u diray Isimada Puntland.
Xasan Shire Abgaal ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay burburi doonto, haddii doorashada lagu qaban waayo xilligeeda oo ah sideeda January ee sanadka 2024-ka.
“Haddii aysan Isimadu xaaladdu inta ay taagan tahay wax ka qaban sideeda January waxa la’isla gaaraa waa dal burburay, dalkuna inuu burburo lama rabo” ayuu yiri Abagaal.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay xubnaha kale ee mucaaradka in aan doorashada kaligiis lagu haleyn madaxweyne Deni ee ay qaataan doorkooda, si loo badbaadiyo Puntland.
“Waxaa la rabaa kaliya inaan ka shaqeyno sidii dalka doorasho loo gelin lahaa, 31-ka Novermber, haddii uusan madaxweynaha soo magacaabin guddigii xulista baarlamaanka waa la magacaabayaa, ma’aha in sideeda January la gaaro” ayuu hadalkiisa sii raaciyay
Waxa kale oo uu weerar toos ah ku qaaday madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, isaga oo sheegay inuu khiyaameynayo Punt壯陽藥 land, isla-markaana aan lagu aamini karin doorashada.
“Anigu waxaa qabaa in Saciid xitaa aan lagu aamini karin guddiga, waayo waad ogtihiin wixii uu Boosaaso la sameeyay” ayuu mar kale yiri Musharrax Xasan Shire Abgaal.
Si kastaba, Deni oo muddo xileedkiisa uga dhiman yahay bilooyin dhowr ah ayaa wajahaya culeyskii ugu xooggana, isaga oo muddo ku siman laba bilood ka maqan maamulka.