Daawo : Waftiga IGAD ee Muqdisho Iyo Hadalada Wasiir Fiqi

16″ September ” 2024″ Muqdisho ” Wafdi sare oo ka socda Urur goboleedka IGAD ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga oo si weyn Muqdisho loogu soo dhaweeyey ayaa kulan la qaatay saraakiisha wasaaradda arrimaha dibadda iyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan dowladda.

Haddaba kulanka kadib shir jaraa’id oo uu qabtay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayuu uga hadlay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay labada dhinac ka wada hadleen.

Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga XFS Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyay in wafdiga IGAD ee uu hoggaaminayo xoghayaha fulinta Workneh Gebeyehu ay kala hadleen xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya.

Wasiir Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay wafdiga ka socda urur-goboleedka IGAD ay Muqdisho ku yimaadeen casuumad ay fidisay dowladda federaalka Soomaaliya, si ay wada-hadallo gaar ah ula yeesheen madaxda sare ee dalka.

“Wafdiga maanta noo yimid waxaan kala hadalnay xaaladda gobolka oo ay ku jiraan arrimaha Itoobiya iyo Soomaaliya isku hayaan,” ayuu yiri wasiir Fiqi oo sheegay in labada dhinac ay ka wada-hadleen arrimaha mandiqadda ee ku saabsan nabad-gelyada bulshada, siyaasadda, iskaashiga gobolka iyo kobcinta dhaqaalaha