Wafuud ka socota Hormuud Telecom oo ka qeybgashay shirka COP-29 ee Azerbaijan.

Shirkan oo martigeliyay hoggaamiyayaal, Shirkado, hay’addo Iyo ururada bulshada caalamka ayaa diiradda lagu saarayaa sidii dunidu ay isaga kaashan lahayd la dagaallanka isbeddelka cimillada, ilaalinta deegaanka, iyo hirgelinta xalalka waara ee waxtarka u leh mustaqbalka aadanaha, duunyada, iyo deegaanka.

Ka qeybgalka shirkani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee aan ugu jirno horumarinta xalalka waara ee deegaanka iyo wacyigelinta bulshada, annagoo wicitaanka moobeellada saarnay cod aan bulshada ku baraarujinayno saameynta isbeddelka cimillada iyo dhibaatooyinka deegaanka ee sii kordhaya.

Hormuud waxay ku faraxsannahay in ay kaalin hoggaamineed ka qaadato adeegsiga tamarta dabiiciga ah ee la cusbooneysiin karo, waxaana xusid mudan in 86% uu qalabka shirkadda ku shaqeeyo tamarta dabiiciga ah ee laga dhaliyo cadceedda, tallaabadan ayaa gacan ka geysanaysa yaraynta wasakheynta deegaanka iyo dhibaatooyinka ka dhasha isbedddelka cimillada, si loo gaaro Soomaaliya cagaaran.