30- May -2024- Muqdisho “Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ku tagey Balcad kormeer lagu dardar-gelinayo billowga wajiga saddexaad ee waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay faa’iidada ay waddadan leedahay ayaa carrabka ku adkeeyay in ay tahay mid muhiim ah oo fure u ah ganacsiga, kor u qaadidda dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in mashruucan dhismaha waddo uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada aas-aasiga ah, iyada uu tilmaamay inay yareyn doonto waqtiga safarka iyo kharashka.
Mudane Xamza oo warbixin ku saabsan halka uu marayo diyaar-garowga wajiga saddexaad ka dhageystay Injineerada gacanta ku haya dhismaha waddada, ayaa uga mahad-celiyey dowladda Qatar ee maal-gelisay mashruucan, Injineerada iyo shaqaalaha dhisaya waddada, kuwaasi oo u huray naftooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliya ay mareyso marxalad muhiim ah oo ay ka guuleysatay argagixisada, islamarkaana la xaqiijiyey guulo waaweyn oo dalka u horseedaya maalgashi.
“Si loo helo maal-gashiga waxaa lagama maarmaan u ah in dalku uu yeesho kaabayaasha muhiimka ah ee ay kamid yihiin jidadka iyo korontada,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Dhismaha wadadan waxaa fulinaya dowladda Turkiga, halka qarashka ku baxayana ay bixineyso dowladda Qatar, iyadoo qorshuhu yahay in la geeyo degmada Jowhar.
Hore waxaa loo sameeyay wadada dheer ee Muqdisho ku xirto magaalada Afgooye ee gobolka Sh.Hoose, iyadoo Shabaabku isku dayeen iney hakiyaan dhismahaasi walow ay ku fashilmeen.