Wakiilada Beesha Caalamka Iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo Hadda Shir U Socdo

February “7” 2021

Iyadoo muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo uu ku eg yahay 8 February oo ah maalimada berri ah ayaa waxaa socda kulan gaar ah oo ay qadka Zoom-ka u socdaa Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Puntland iyo Jubbaland, kuwaasoo ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

Warar hoose ayaa sheegay in shirkaasi looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, waxaana shirk aka maqan Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Cabdicasiis xasan maxamed Lafta-gareen oo galabta dib ugu soo laabtay Magaalada baydhaba.

Waxaa la filayaa in shir ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka loo qabto Dowlad Federaalka iyo Dowad Goboleedyada, si dalka looga saaro xilliga kala guurka, waxaana jira hadal hayn xooggan oo ku aaddan xaalada uu dalka geli karo kaddib 8 February oo uu ku eg yahay Xilka Madaxweyne farmaajo

Leave a Reply