Wakiilada Beesha Caalamka oo Farmaajo Ku Cadaadinaya In uu Qaado Caqabada Uu Ku Yahay Doorashada

30″ January 2021 ” MUQDISHO-

Wakiillada Beesha Caalamka oo LA kulmay Farmaajo ayaa ugu baaqay in uu joojiyo caqabada uu Ku yahay hergelinta doorasho ka dhacada soomaaliya .

Shirkan oo uu ka baaqaday safiirka maraykan ayaa waxa tilmaameen in aan lagu garab istaagi karin qaabka aan wanaagsaneeyn ee hada u dhaqmo .

Wakiilada beesha caalamka ayaa ka digay qatarta ka dhalan karta dib u dhacyada doorashada oo shacabka iyo dowladd midna aan u wanaagsanaan doonin

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjireyaasha iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladda qabsoomidda doorasho daahfuran, iyada oo la raacayo Heshiiskii 17-kii sibteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey horumarka laga gaaray hannaanka hirgelinta doorashada oo ay ugu horreysay heshiiskii siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ansaxinta habraacyada iyo shuruucda hagaya doorashada, diyaarintii Guddiyada Madaxa-bannaan ee qabsoomidda doorashada iyo xaqiijinta miisaaniyadda doorashooyinka.

Leave a Reply