30″ January “2021
Beesha Caalamka ayaa ka hadashay kulankii Maanta Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho kula qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Madoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Beesha Caalamka kala hadashay Madaxweyne Farmaajo taageerada muddada dheer ee Beesha Caalamka siineyso Soomaaliya.
Sidoo kale labada dhinac ayaa isla gartay in si Deg deg lagu xaliyo khilaafka ka taagan doorashada, isla markaana wax kasta oo jira lagu dhammeeyo wada-hadal, si xal buuxa looga gaaro muranka soo jiitamayay.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, waxaa sharaf u aheyd inuu ka mid noqdo saaxiibbada kale ee caalamka ee maanta kulanka la yeeshay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ kulanka ayaa looga hadlay taageerada muddada dheer ee la siinayo Soomaaliya iyo sidoo kale in si deg-deg ah lagu xalliyo khilaafka ka taagan doorashada” ayuu yiri Qoraalka, xili uu Maanta baaqday Shir deg deg ah oo ay ku baaqeen Puntland iyo Jubbaland.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada dalka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Wakiilada Beesha Caalamka la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladda qabsoomidda doorasho daahfuran, iyada oo la raacayo Heshiiskii 17-kii sibteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxtooyada ayaa sido kale sheegtay in Wakiillada Beesha Caalamka bogaadiyeen tallaabooyinka loo qaaday hergelinta hannaanka doorashada,waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dadaallada ay ku bixinayaan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.