Soo dhoweyn ka dib ayaa wafdigan waxa ay la kulmeen Madaxweynaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada & Taliya Qeybta 60aad CXDS iyagoo ka wadahadalay Arrimaha Doorashooyinka, Xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlada koonfur Galbeed,Xoojinta Amniga Xiliga kala guurka, Arimaha Gargaarka iyo ka hortaga Cudurka Covid19.
Wakiilada ka kala Socday Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey Doorka Madaxweyne Cabdicasiis lafta gareen ku lahaa qabsoomida Shirkii looga hadlayey Arimha Doorashooyinka ee udhaxeyey Madaxda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee sideedii Septemar 2020 heshiis loo dhanyahay laga gaaray.
“Waxaan bogaadinayaa Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen Hanaanka Wanaagsan ee uu ku lahaa Markii ay kulmeen Madaxda Dowlad Goboledyada Iyo DFS iyo kulamadooda wixii Kasoo baxay hanaanka Doorasho ee Waqtigeeda ku saleeyan” ayuu yir James Swan.
“Waxaana Qiyaaseynaa Hanaanka uu kulahaa Dhamaan Heerarka kala dubanaa ee loo soo maray in Shir loo dhanyahay oona looga heshiinayo Arimaha Doorashooyinka Soomaaliya” ayaa la raaciyay qoraalka.
Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa sheegay kulanka uu laqaatay Wakiilada Beesha Caalamka inuu ahaa mid looga hadlayey Dardargelinta Heshiisyadii Muqdisho lagu so gebigebeyey ee ahaa Arimaha Doorashooyinka sidii Waqtigeeda uqabsoomi lahayd