29″ December “2022 “Reuters
Wakiilo ka socda Midowga Afrika iyo Urur-Goboleedk IGAD ayaa gaaray gobolka Mekelle ee caasimada Tigray. Dheeho.com
Dhexdhexaadiyeyaasha u dhexeeya dawladda federaalka Itoobiya iyo maamulka gobolka Tigray oo ka hor ilaa bishii hore uu u dhexeeyey dagaal bahalnimo ah, ayaa sii xoojinaya dadaallada lagu dhaqangelinayo xabbad joojinta, iyadoo xiriirka labada dhinac uu si caadi ah u soo dhowaanayo.
Xabbad-joojintii 2-dii Nofembar waxay aamusisay iskahorimaad laba sano socday oo ay ku dhinteen tobanaan kun, malaayiin kalena ku barakiciyeen waddanka Geeska Afrika, laakiin hirgelinta qaybo ka mid ah heshiiska ayaa ka gaabiyey sidii la filayay.
Shaqaalaha g壯陽藥 argaarka bini’aadantinimo ee Tigrayga ayaa sheegay in ciidamada ka socda dalka ay dariska yihiin ee Eritrea – oo ay ahayd in ay isaga baxaan shuruudihii xabbad joojinta – ay weli ku sugan yihiin magaalooyin dhowr ah oo halkaas ku yaalla, oo ah gobol ay malaayiin qof weli gaajo iyo gargaar u baahan yihiin.
Dowladda Eritrea ayaa u muuqata mid aan ku faraxsaneeyn heshiiskan Iyadoo Labada arrin ee ku saabsan ciidamada Eritrea iyo soo celinta adeegyada iyo gargaarka bini’aadantinimo ee gobolka Tigrayga la filayay in ay ka mid noqdaan ajandaha koox dabagal heshiiska-Sidoo kale, safiirro ka socda in ka badan 30 dal oo Afrikaan ah iyo Yurub ayaa ku wajaha in ay galaan gobolka Tigray si ay u kormeeraan geeddi-socodka nabadda.
Dhexdhexaadiyaasha ayaa ku shirsanaa caasimadda Tigray ee Mekelle, Nuur Maxamuud Sheekh, afhayeenka urur goboleedka IGAD, ayaa Khamiistii sheegay.
Kadib wax ka badan hal bil oo dib u dhac ah ayaa kooxda wadajirka ah ee dabagalka iyo hubinta oo ka kooban wakiilo ka socda dowladda, Tigray People’s Liberation Front iyo IGAD ayaa loo xilsaaray, lataliyaha amniga qaranka ee dowladda Redwan Hussien ayaa u sheegay Reuters.
Hogaamiyayaasha Tigrayga ayaa ka cawday dib u dhac ku yimid dhisitaankiisa iyo hirgelinta qodobbo kale oo xabbad joojin ah oo horey loogu heshiiyay kuwaas ooy ku jirto ka bixitaanka gobolka ciidamada Eritrea
Booliska Federaalka ayaa sheegay in saraakiishooda ay gudaha u galeen magaalada Mekelle ayna bilaabeen howl gallo ay ku ilaalinayaan hay’adaha dowladda federaalka sida bangiyada, garoonka diyaaradaha, kaabayaasha korontada iyo isgaarsiinta, iyagoo raacaya qodobbadii xabbad joojinta.
Getachew Reda oo ah af hayeenka kooxda TPLF ayaan ka jawaabin codsiyo ku saabsan in wax faallo ah uu ka bixiyo waxyaabaha ay isla soo qaadeen kooxda dhaqangalinta heshiiskii lagu gaarayn South Africa