Walaalo lo’da dhaqda oo TikTok-ga caanka ka noqday

22″ December” 2021″XIGASHO BBC

Iyaga oo xiran labbis dhaqameedka qabaa’ilka Maasai oo ay ku hareeraysan yihiin lo’da, ayay Kili iyo Neema Paul oo walaalo ah, isu diyaarinayaan inay duubaan muuqaalkoodii u dambeeyay.

Taleefannada casriga ah ayaa lagu rakibay meel dhowr mitir u jirta gurigooda oo ku yaal Mindu Tulieni, oo ah tuulo yar oo ku taal bariga Pwani ee dalka Tansaaniya.

Magaalada ugu dhow, oo la yirahdo Lugoba, waxay u jirtaa masaafo muddo saacad ah looga soconaya. Tuuladooda oo korontada ka maqan tahay, Kili wuxuu soo booqdaa magaalada Lugoba maalin kasta si uu taleefankiisa ugu dabeysto.

Kili, oo 26 jir ah, ayaa isku hagaajinaya kamaradda horteeda, waxa uu taagan yahay walaashiisa Neema oo 23 jir ah gadaasheed.

Marka uu muusiga bilaabmo, walaalahan ayaa si fiican ugu ciyaaraya qoob-ka-ciyaarka heesaha ugu caansan Bollywood-ka.

Dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, muuqaalladooda ayaa qabsaday baraha bulshada ee Hindiya oo dhan.

Muqaalkooda ugu caansan, ee bandhiga Raataan Lambiyan, ayaa maalmo gudahood waxaa ku daawatay hal milyan oo qof.

Xayeeysiin

Jilaaga asal ahaan u qaaday heesta ee Jubin Nautiyaal ayaa ka yaabiyay walaalaha ka dib markii ay ka qeyb qaateen wareysi toos ah oo looga qaaday mid ka mid ah idaacadaha Hindiya. ‘Maskax afuufaya’

Waxaa muuqaalkooda laga baahiyey Mindu Tulieni, halkaas oo inta badan dadka tuuladu aysan lahayn taleefannada casriga ah, balse Kili iyo Neema weligood kuma aysan fakarin in muuqaalkoodu uu gaari doono malaayiin qof oo ku nool Hindiya iyo adduunka oo dhan.

“Bilowgii waxa ay ahayd uun madadaalo, waligeen kuma fikirin in sidaa noola daawan doono,” ayuu yiri Kili. “Hadaba markii aan ogaanay aragtida iyo jawaabaha dadka reer Hindiya, aad ayaan u naxay.”

Dhiirigelinta muuqaaladooda waxay ka timid jacaylka ay u qabaan filimada Bollywoodka, kuwaas oo Kili markii ugu horreysay daawaday markii uu aaday iskuul ku yaal caasimadda Dodoma.

In kasta oo aanay garanayn luqadda, isaga iyo walaashii waxay naftooda bareen inay ku heesaan Hindi.

“Tan iyo markii aan yaraa, waxaan ka daawan jiray filimada Bollywoodka shaleemooyinka maxalliga ah ee Tansaaniya, waxaana jeclaaday filimada iyo heesaha, markaad wax jeclaato way fududahay inaad barato,” ayuu yiri Kili.

“Waxay igu qaadataa dhawr maalmood oo kaliya inaan barto erayada ka dib marka aan ku celceliyo heesta,” ayuu yidhi.

“Xitaa ka hor intaanan fahmin waxa heestu ku saabsan tahay, waxaan ku xiraa muusikada.”

Markii hore isaga oo keligiis ah ayaa soo bandhigayay muuqaallada, balse markii dambe walaashii Neema ayaa ku soo biirtay iyada oo la wadaagta xiisaha uu u qabo Bollywood.

“Markii walaalkey uu iga codsaday inaan muuqaallada la sameeyo, waan diiday markii hore sababtoo ah aad ayaan uga xishoonayay inaan kaamirada hor-imaado,” ayay tiri Neema.

Xayeeysiin

“Laakin markaas waxaan bilaabay inaan la qabsado. Waa wax la yaab leh waxa dhacay – waligeen kuma fikirin maalin sidan oo kale ah ayaa iman doonta.”

Jahawareerka tuulada

Labadan walaalaha ah oo markii hore maalmahooda ku qaadan jiray dhaqashada lo’da iyo beerashada, ayaa hadda waqtigooda isku mashquuliya iyagoo wareysiyo siinaya TV-yada iyo raadiyaha ugu weyn Hindiya.

Waxay sidoo kale helayaan soo jiidasho la mid ah tan xiddigaha TikTok ugu caansan Tansaaniya.

Cinwaankooda TikTok ee la xaqiijiyay ee Kili hadda waxaa ku xiran 1.8 milyan oo qof. Wuxuu killi furay akoonkiisa wax ka yar hal sano ka hor – isagoo ka maqlay app-ka asxaabtiisa.

Neema ayaa markaasi ka dib sameysatay akoonkeeda Instagram-ka, kaas oo haatan ay ku xiran yihiin ku dhawaad 65,000 oo taageerayaal ah.

Laakin iyada oo sheekada guushooda baraha bulshada ay soo jiidatay indhaha caalamka, qoyskooda iyo dadka kale ee tuulada wax fikrad ah kama haystaan caannimadooda cusub.

“Dad badan oo halkan jooga ma haystaan taleefoonnada casriga ah, mana yaqaanaan baraha bulshada, xitaa Neema wax badan kama fahansano, way ku raaxaysataa, laakiin ma garanayso saamaynta ay baraha bulshada leedahay,” ayuu yiri Kili.

“Qof walba aad buu u wareeray oo la yaab ayay ku noqotay markii ay saxafiyiintu bilaabeen inay tuuladayada yimaadaan.

“Markii hore, qoyskaygu waxa ay la yaabanaayeen sababta aan u heesayo oo aan u dheelayo halkii aan lo’da ilaalin lahaa.

Hadda waxay bilaabeen inay fahmaan inaan sameynayo wax wanaagsan.”Neema PaulKili PaulTo get the chance to travel to India would be amazing”Neema Paul
TikToker

‘Riyadii rumowday’

Lamaanahan ayaan weli wax lacag ah ka helin hal-abuurkooda, laakiin dhawaan waxa laga yaabaa in ay noloshooda tuulada ay is badesho.

Warbaahinta gudaha dalka Hindiya ayaa soo warineysa in dalabyada ka imaanaya Bollywoodka ay sii kordhayaan.

Waa riyo u rumowday Kili iyo Neema, kuwaas oo sheegay inay waligood doonayeen inay ka mid noqdaan masraxyada madadaalada, balse weligood ma rumaysnayn inay suurtogal tahay.

“Waxaan ka nimid tuulo yar oo magaalada ka baxsan, sidaa darteed marnaba kuma fikirin riyadeyda inaan noqdo jilaa iyo inaan hor istaago kamarada.犀利士 p>

“Si aad u hesho fursad aad ugu safarto Hindiya waxay noqon lahayd wax cajiib ah.”

Iyadoo dunidu ay daawanayso, walaalahan ayaa sheegaya inay aad u jecel yihiin inay bilaabaan inay ka shaqeeyaan waxyaabo cusub oo loogu talagalay taageerayaashooda.

“Waxaan rabnaa kaliya in dadku ay ku raaxaystaan muuqaalladeena, taasina waa sababta aan u bilownay arrintan,” ayuu yiri Kili.

“Waxyaabo waaweyn ayaa imaanaya, marka taageerayaasheena waa inay la socdaan.”

Leave a Reply