Waqtigii loo qabtay Shirka doorashada oo la soo gaaray iyada,oo ay mugdi badani ku hareereysan tahay in uu qabsoomi karo iyo madasha uu ka dhacayo intaba!!

February “15” 2021

BBC,laanteeda AF,somaliga ayaa is,weeydiiysay su,aal ku saabsan Berri ma dhici donaa shirkii doorashada, halkeese lagu qaban doonaa?

Marka laga yimaado su,aashaas oo ku weereegeeysa maskaxda aqoonyahanada waxaa jira in tan iyo markii dhawaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku baaqay shir looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya oo sida uu sheegay lagu qabanayo 15-ka bishaan magaalada Garowe ayaan ilaa iyo hadda la isku raacin halkii shirkaas muhiimka ah lagu qaban lahaa maadama Puntland iyaduna ay ku baaqday in shirku uu ka dhaco Muqdisho.

lama ogo inuu shirkaasi berrito qabsoomi doono iyo in kale iyada oo aan xiraa LA cayimin goobta uu ka dhici doono , inkastoo uu jira cadaadis ah in si deg deg ah shirka loo qabto si lo dhameystiro heshiiskii ay dhinacyada gaareen bishii September. Kulan ka dhacay Dhuusamareeb horrantii bishan oo lagu waday in maamul goboledyada iyo dowladda federaalka ah ay ka heshiiyaan khilaafka dorashada ayaa fashilmay.

Haddaba Maxaa la isugu haystaa halkii shirku ka dhici lahaa?

Maamulka Puntland horey ayuu u sheegay in Maxamed Cabdulaahi Farmaajo aaney madaxweyne u aqoonsaneyn marka uu dhamaado muddo xileedkiisa oo ku ekaa sideedii bishaan Febraayo.

Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde, oo ah wasiirka warfaafinta maamulkaas ayaa BBC-da ugu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay ugu yeeri doonaan marka uu xilku ka dhamaado madaxweynihii hore.

Markii ay ka jawaabayeen baaqa Madaxweyne Maxamaed Cabdullaahi Framaajo ayaa sidoo kale Puntland waxaa ay sheegtay in aan lagala tashan in Garoowe shirka lagu qabto sidaas daraadeedna ay iyaguna ku baaqayaan in Muqdisho loo weeciyo.

Maamulka Jubaland iyo qaar ka mid ah Musharixiinta Mucaardka ayaa iyaguna ku raacay oo xoojiyay baaqa Puntland ee ahaa in shirka Muqdisho lagu qabto.

Inkasta oo aan ilaa iyo hadda la isku raacin goobta lagu qabanayo wadahadllada haddana dad badan ayaa muhiim u arka in wadahadalladu ka dhacayaan gudaha Soomaaliya oo aaney ka dhaceyn dibadda oo wakhtiyo hore dhowr shir oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya lagu qabtay.

Walaaca laga qabo dib u dhac ku yimaada shirka

Beesha caalamka ayaa ugu baaqday madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada in khilaafka ku aadan madasha shirka aysan dib u dhac kale ku keenina qabsoomidda wadahadallada

“Saaxiibada caalamku ma aaminsana in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka.

“Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee ka qaybgelaya shir-madaxeedka inay si joogto ah ula xiriiraan oo ay ula tashadaan saamillayda kale ee Soomaaliyeed si wada-hadadalladu u noqdaan kuwo laga baaraan-degay”

Leave a Reply