20- May-2024
Shirka hormarinta amniga dalka oo ay ka qaybgaleen wasiirrada amniga heer faderaal, heer dowlad goboleed iyo booliska labada heer.oo lagu soo gabagabeeyay 犀利士 caasimada Dowladgoboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa laga soo saaray Warmurtiyeed Warbixin Dheeho.com
Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa soo xiray shir wadatashi oo ka dhacay Dhuusamareeb, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta amniga.
Shirka, oo socday laba maalmood, ayaa lagaga hadlay mashruuca wadajirka booliiska (JPP-2), sharciga booliiska Soomaaliya, qorshaha istiraatijiyadeed ee amniga gudaha iyo bixitaanka ATMIS.
Shirkan waxaa kale oo ka hadlay Taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed iyo Wasiirrada amniga dowlad goboleedyada, kuwaas oo soo bandhigay fursadaha iyo iskaashiga lagu xaqiijinayo amniga dalka.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa sidoo kale bogaadiyay guusha shirka, isagoo xusay in Galmudug ay tahay goob muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta.
Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay amniga dalka iyo nabadgelyada Soomaaliya.