Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho oo la soo gabagabeeyay Iyo Mucaaradka oo ka hadlay

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqgdisho, waxaana laga soo saaray war-saxaafadeed rasmi ah oo dhowr qodob ka kooban.

GWQ ayaa kulankooda ku dhagaystay warbixino faahfaahsan oo taabanaya amniga Qaranka,” ayaa lagu yiri hordhaca bayaanka.

War-saxaafadeedkaan waxaa lagu sheegay in Goluhu ka hadley ajandeyaal masiiri ah oo ay ka mid yihiin la-dagaalanka argagixisada, qorshayaasha qaranka ee dhinaca aminga, geedi-socodka dimuqraadiyaynta, iyo xaaladda dhaqaale ee dalka.

“Goluhu waxuu bogaadinayaa sida ay Dowlada Federaalka (DF) u maaraysay goobihii ay kala wareegtay ciidamada ATMIS, taas oo caddeyneysa sida DF ay uga go’antahay gaarsiinta isku filnaansho dhinac walba ah,” ayaa lagu yiri bayaanka

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Goluhu waxa uu soo dhaweeyay tallaabada taariikhiga ah ee Markabka dalka Turkiga ee Oruc Reis, oo baaris ku sameynaya shidaalka dalkeena, isagoo ku ammaanay dadaalka dowladda Federaalka Soomaaliya ay gelisay sidii looga faa’iideysan lahaa kheyraadka dalka.”

Sidoo kale golaha ayaa ugu baagay xubnaha ka magan shirka in mar walba diyaar loolayahay wadaxaajood iyo wadahadal lagu soo afjarayo wixii kala aragti duwanaansho ah ee jira.

Qodobada Shirka ka soo baxay waxaa kaloo kamif ah:

GWQ waxuu si qoto-dheer u falangeeyay xaaladaha aminga, siyaasadda, iyo saalada bini’aadanimo ee dalku uu marayo.

Sidoo kale GWQ, isaga oo tixraacaya heshiisyada shirarkii bishii December 2022, March 2023, iyo May 2024, wuxuu ku heshiiyay qodobada soo socda:

  1. GWQ wuxuu go’aamiyay in ay lagama maarmaan tahay in la fuliyo heshiisyadii horay loo galay isla markaana dalka la gaarsiiyo doorasho xor iyo salaal ah oo ku dhisan nidaamka xisbiyada badan oo ay shacabka Somaliyeed si toos ah wakiiladooda ugu soo doortaan.
  2. GWQ wuxuu isku raacay in si degdeg ah baarlamaanka federaalka loo horgeeyo sharciyada doorashooyinka, xisbiyada badan iyo guddida doorashada iyo xuduudaha. GWQ wuxuu soo jeediyay iney xukuumadda JFS soo dhamestirto dhismaha Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha.
  1. GWQ wuxuu isku raacay in Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka lyo Xuduudaha uu soo diyaariyo jadwal faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka geedi socodka doorashada si shuruucda dalka waafaqsan.
  2. GWQ wuxuu isku raacay in Doorashooyinku ku gabsoomaan sida soo socota:
  • 5.1. Dowladaha Hoose waxay doorashadooda dhici doontaa Juun 2025.
  • 5.2. Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxda DXDF waxay dhici doontaa Sebtember
    2025.

Farmaajo, Shariif, Kheyre iyo CC Shakuur oo ka hadlay ..

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kala ah Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah oo muddo kororsiga lagu go’aamiyey shirka golaha wadatashiga qaranka ay uga soo hor jeedaan

Waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddeyneynaa in aannan marnaba aqbali doonin nooc kasta oo muddo-kororsi ah,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah qoraalka 3-da masuul ay soo saareen, iyagoo farriin adag u diray madaxda dowlad goboleedyada.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ku heshiiyey in dalka doorasho qof iyo cod ah laga qabto, iyadoo muddo kordhin kale loo sameeyey madaxda dowlad goboleedyada, si doorashooyinkaas loogu diyaar garoobo, loona qabto sanadka dambe ee 2025-ka.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu kaga soo horjeedo go’aanka muddo kororsiga ah ee ka soo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka, isagoo Xasan Sheekh ku eedeeyey inuu ku guul-dareystay ilaalinta dastuurka iyo midnimada dalka.

Farmaajo ayaa sheegay in madal ay ka maqan yihiin madaxda dowlad goboleedyada qaar aan go’aan masiiri ah lagu gaari karin, sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda federaalka aysan hor istaagi karin doorashada dowlad goboleedyada, isagoo dowlad goboleedyada muddo kororsiga damacsan ka dalbaday inay doorasho aadaan.

Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo:

Go’aannada caawa oo ay taariikhdu tahay 30-ka bisha Oktoobar 2024, ka soo baxay shirka ay magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada iyo hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay dalka u jiheeyeen kala qaybsanaan siyaasadeed iyo khatar ku timi midnimada intii awal wada-joogtay.

Waxaa cad in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu meel iska dhigay waajibkiisii qaran ee ilaalinta dastuurka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxaana wax aad looga xumaado ah in uu si ku talagal ah u go’aansaday in talada iyo go’aannada masiiriga ah uu bannaanka ka dhigo qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada iyo hormuudka siyaasadda dalka oo muhiim u ah midnimadda iyo hannaanka siyaasadeed ee loo dhan yahay.

Haddaba, go’aannada ay soo saareen qaar ka mid ah xubnaha Madasha Wadatashiga Qaranku waa kuwa aan xambaarsanayn aragti heer qaran ah oo u adeegaysa midnimadda iyo nidaamka heshiiska lagu yahay, sidoo kalena waxa ay hareer marsan yihiin sharciga iyo dastuurka dalka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalku malaha awood dastuuri ah oo uu ku hor istaagi karo doorashada madaxtinimada Dowlad Goboleedyada ee muddo xileedkoodii dhammaaday, sidaas awgeed, warka ka soo baxay shirka Madasha aan loo dhammayn ee Wadatashiga Qaran waxa uu halis gelinayaa xasilloonida iyo matalaadda siyaasadeed ee aas-aaska u ah dowladnimada iyo doorashooyinka.

Si buuxda waxaan u taageeraynaa in Dowlad Goboleedyada muddo xileedkoodu ka dhammaaday ay qabtaan doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtinimada, si ay u helaan sharciyad iyo muddo xileed dastuuri ah, annagoo adkaynayna mowqifka Dowlad-goboleedka Jubbaland ee ku aaddan qabashada doorashada Madaxtinimo ee maamulkaas.

Hannaan doorasho oo heer qaran ah, nooc kasta uu noqonayo, waxaa saldhig u ah heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo horseedi kara doorasho xor iyo xalaal ah, taas oo ay u dhan yihiin dhinacyada siyaasadeed ee dalka.

Nooca iyo guddiga doorashada ee lagu xusay warka ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Madasha Wadatashiga Qaranku waxa ay muujinaysaa damaca gurracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo iska indho-tiraya waaqaca siyaasadeed ee dalka, muhiimadda xasilloonida siyaasadeed iyo nidaam doorasho oo lagu kalsoonaan karo, ayna kawada qayb qaataan dhammaan hormuudka siyaasaddu.

Ugu dambeyntii, waxaan Hoggaanka Dowladda Federaalka ugu baaqeynaa in ay usoo laabtaan sharciga iyo ilaalinta maslaxadda guud ee dalka, danta guudna ka hormariyaan damacooda gaarka ah.

Madaxda Dowlad Goboleedyadda, dhinacyada siyaasadda iyo madaxdii hore ee Qaranka waxaa waajib ka saaran yahay in ay u istaagaan ka hortagga in dalkaan dib loogu celiyo qalalaase siyaasadeed iyo khilaafaad wiiqi kara dib u dhiska qaranka iyo baadi goobka midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.