War-Murtiyeed Laga Soo Saaaray Shirka Dowladda Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada

DHUUSAMAREEB –

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirkii maalmihii lasoo dhaafay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada uga socday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

War-murtiyeedka kasoo baxay Shirka Dhuusamareeb ayaa waxaa uu ka koobnaa 8 qodob, waxaana kamid ahaa in wadashaqeynta Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada lasii dardar-geliyo, isla markaana lagu saleeyo dhinacyo kala duwan.

Sidoo kale War-murtiyeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ay isla garteen in dalka ka dhacdo Doorasho ku qabsoonta waqtigeeda, isla markaana Doorashadu noqoto mid lagu wada-qanasan yahay.

HORMUUD TELECOM ISGAARSIIN LA HUBO

Waxaa kaloo Qodobada War-murtiyeedka ku jiray kamid ahaa in Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ay 15-ka Bisha soo socota isugu yimaadan wejiga 3-aad ee Shirka wadatashiga ah, kaasi oo ka dhici doona Magaalada Dhusamareeb.

.

Leave a Reply