Warankii Shalay ay Kenya nagu soo weerartay Maanta waxaa wata Itoobiya

Hogaamiyaha magaalo xeebeedka Koonfurta Somalia ee Kismaayo Axmed Madoobe oo ku Caasigaroobay Dowladda Soomaaliya ayaa Is,xasuusiyay Itoobiya oo dib u aqrisay doorkii uu ku lahaa dagaalkii Kenya ee ka dhanka ahaa Somalia intii lagu jiray dacwadii bada iyo raadinta damacii soo laabashada Farmaajo.

Taliyihii hore ee NISA fahad yaasiin ayaa madaxa sirdoonka Kenya la wadaagay qorshe ay dowladii Farmaajo ku dooneeysay In Jubbaland Madaxweyne looga dhigo Omar iyadoo la raacayo khariiradii Laftagareen lagu geeyay Baydhabo.

Si loo badalo Axmed madoobe ayaa u muuqatay talaabo aan meel mar noqon kareyn la,aanta taageerada ciidamada Kenya- laakiin tani waxay Kenya tustay In Axmed madoobe uu noqon karo Tuul ay gorgortan kula galaan Somalia Iyadoo Uhuru Kenyata ay gashay rajo ku aadan suurtagalnimada In la ,la soo laabto dacawadii badda .

Isku xirnaanta in la ,la soo laabto dacawadii badda ee Maxkamadda ICJ iyo in la badalo Axmed madoobe ayaa ayaa sii xumeeyay xiriirkii labada dal iyadoo ay fashilmeen wadaxaajoodyadii Reysilwasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre isaga daba noqday magaalada Nairobi

Itoobiya oo arinta isku dayday inay soo fara galiso ayaa mira dhal noqon waayay Iyadoo Kenya ku andcooneysay In Itoobiya geeyntii Laftagareen ee Baydhabo ay ka faada,iiday Lix dakadood

“Hubkii shalay Kenya ay u Isticmaashay Somalia waxa uu Isu arkaa In uu nqon karo mid muhiim u ah Itoobiya in maanta ay adeegsan karto ” laakiin maxaa isbadalay?

Shalay Maanta Ma,aha

Hubkii shalay Kenya ay u Isticmaashay Somalia waxa uu Isu arkaa In uu nqon karo mid ay Itoobiya maanta adeegsan karto “

Sameynta Reysilwasaaraha Somalia oo ka soo jeeda Jubbaland Iyo dowlada oo markan waxoogaa ka maqaam sareeysa sidii hore Axmed Madoobe waxay ka soo xiriireen Irdihii uu quuldareeybayay oo dhan marka laga yimaado Itoobiya oo awalba aaney Somalia kala dhaxeeyn xiriir wanagsan

Madoobe oo ka niyad jabay xaga kenya ayaa haatan rajo ka qaba taageero uu ka helo Itoobiya oo ciidamadeedu ay lumiyeen gacan ku heynta dhowr magaalo oo ay la wareegeen Jabhada Fano

Somalia oo ka carootay Isafgaradkii Itoobiya ay la gashay gooni-u-goosadka gobolka Waqooyiga Somalia ee Somaliland ayaa gunuday heshiis sadax geesood ah oo dhexmaray Somalia Eritrea Iyo Egypt Iyadoo Muqdisho ay ka reebtay Adisababa Howlgalka cusub ee AUSSOM oo lagu wado in uu biloowdo January 2025