Warar dhëeraad ah oo ka soo baxaya Markab la sheegay in maanta laga afduubay xeebaha Soomaaliya

23-May-2024

Hay’adda howlgalada ganacsiga badaha ee boqortooyada Ingriiska ‘UKMTO’ ayaa sheegtay in kooxo ay gudaha u galeen Markab ganacsi oo marayey meel 420 nautical miles koonfur bari kaga beegan xeebta degmada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose dhanka barina ka xigta magaalada Muqdisho.

Qoraalka ay soo saartay UKMTO, ayaa lagu sheegay in koox an tiradooda la garanayn oo watay laba doonyo ah ay fuuleen markabka.

Dhanka kalana war-saxaafadeed kooban oo ay soo saareeen howlgalka Atlanta ee Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya ku sugan ayey ku xaqiijiyeen digniinta laga soo saaray weerarka looga shakinsan yahay burcad baddeed Soomaali ah ee markabka lagu qaaday.

Sida laga soo xigtay Traffic Marine, markabka ayaa lagu magacaaba BASILISK, waxaa ka dul babanaya calanka dalka Liberia.

Markabka ayaa ka soo safray magaalada dekada leh ee Mindelo oo ku taal waqooyiga jasiiradda São Vicente ee dalka Cape Verde isagoo ku sii jeeday dakadda Jabal Cali ee dalka Imaaraadka Carabta.

Mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee ATALANTA ee ku sugan agagaarka ayaa bixiyey jawaabtii ugu horeysay ee digniinta.

Warbixinta EUNAVFOR ATALANTA, ayaa lagu sheegay inay qaadayaan tallaabooyinka ku habboon si ay uga jawaabto si waxtar leh.

Weerarada Burcad baddeeda

Intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2018, budhcad badeeda Soomaalida waxay dhibaato ka geysteen biyaha xeebaha Soomaaliya iyo kuwa caalamigaa, waxayna weeraradoodu halis galiyeen ganacsiga dunida.

Laakiin waxay dib howlgaladooda u soo celiyeen sanadkii hore markaas oo tiro aan badnayn maraakiib ganacsi ay ka soo afduubeen biyaha caalamiga sida ay sheegeen haya’addaha ammaanka ee Puntland.

Maraakiib ganacsi oo ka mid ahaa MV Abdullah oo laga leeyhaya dalka Bangaladesh iyo MV RUEN yaa laga leeyahay dalka Bulgaariya balse ku gooshayey calanka dalka Malta ayaa ku dhacay gacanta burcad Baddeeda Soomaalida.

Hase yeeshee Ciidamada badda Hindiya ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa soo badbaadiyey toddobo iyo toban shaqaale ah oo saarnaa markabka MV Ruen oo muddo saddex bilooda gacanta ugu jiray burcad baddeeda Soomaaliya, sida aybaahiyeen ciidaamadda badda ee Hindiya

burcad baddeeda

Leave a Reply