23″ October “2022” Kismaayo
Faah faahino ayaa laga helayaa weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin ah oo xubno ka tirsan Al-shabaab ay Maanta ku qaadeen Hotelka Tawakal犀利士 eek u yaalla magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.
Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray Hotelka Tawakal, waxaana qaraxa kadib xigay dabley hubeysan oo gudaha u galay hotelka, kuwaasi oo weli dhex-dagaalamaya hotelka Tawakal.
Ciidanka ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa durbadii goobta tagay, isla markaana haatan la dagaalamaya ragga hubeysan ee ka tirsan Al-shabaab, ee weeraray hotelka, rasaas xooggan ayaa inta badan xaafadaha magaalada Kismaayo laga maqlayaa.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa, inta la xaqiijiyey laba qof ayaa ku dhintay qaraxaas Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Kismaayo, halka 8 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalada magaalada.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowlad Goboleedka Jubbaland oo ku aadan qaraxa.
Weerar Ku Bilowday Qarax Oo Lagu Qaaday Hotel Ku Yaal Kismaayo & Dabley Gudaha U Gashay
Qarax Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lagu weeraray Hotelka Tawakal oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.
Qarax ayaa waxaa xigay rasaas xooggan oo aaga qaraxu ka dhacay is qabsatay, isla markaana waxaa hotelka Tawakal gudaha u galay dabley hubeysan, kuwaasi oo hotelka ka dhex dagaalamaya, waxaana la maqlayaa rasaas xooggan oo dhaceysa.
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay magaalada Kismaayo, Ciidamo farabadan oo kamid ah kuwa ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa gaaray goobta.
