26″ February “2023
Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ee Helicopter-ka oo ay leeyihiin ciidanka Mareykanka ayaa shil diyaaradeed ku gashay saldhiga Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegayaan warar aan heleyno.
Shilka ayaa dhacay gel壯陽藥 inkii dambe ee shalay oo sabti aheyd, waxaana diyaaradda la socday Askar ka tirsan ciidanka kumaandooska DANAB ee xoogga dalka, kuwaasi oo qaadanayay tababar ciidan, xilligii diyaaradu shilka galeysay.
Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in diyaaradda burburtay, isla markaana uu ka dhashay khasaaro dhimasho oo gaaray qaar kamid ah Askartii Soomaaliyeed ee la socotay, ugu yaraan 5 Askari ayaa ku dhintay shilkaas ka dhacay saldhiga Balli-doogle.
Saraakiisha ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaan lagu sameyn doono shilkan diyaaradeed ee dhacay iyo waxa keenay, waxa ayna xuseen in baaritaanka natiijada kasoo baxda dib ka faah faahin doonaan.
Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaan wali ka hadlin shilkan diyaaradeed ay ku dhinteen Askarta Soomaaliyeed, iyadooan ay xusid mudan tahay in meydadka Askarta geeriyootay qaarkood la geeyay xerada Xalane ee ku dhex taalla Garoonka Aadan Cadde.