February “23” 2023″
Duulimaadkii afraad dadka qaba dhaawacyada culus ee dagaalka Laascaanood ayaa Muqdisho laga dajiyay iyadoo Duqeeynta Mqgaalada uu halkiisa ka sii socdo,Xili Maraykanku uu Muuse Biixi kala hadlay joojint dagaalka Dheeho.com
Diyaarad siday 10 qof oo dhaawacyo halis ah kasoo gaartay Laascaanood ayaa maanta oo Khamiis ah kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare C/llaahi Cali Timo-Cadde iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa uga hortagey garoonka diyaaradaha.
Wararka ka imaanaya magaalada Laas Caanood waxay sheegayaan in maanta ay madaafiic badan ku dhaceen magaalada, kuwaasoo geystay khasaare kala duwan
Xog ay heshay warbaahinta ayaa sheegtay in ilaa hadda la xaqiijiyay dhaawaca labo qof balse ay jiraan dad ku dhintay madaafiicda maanta oo la sheegay in ay ahaayeen kuwo aan kala joogsi lahayn.
Wararka ayaa intaas ku daraya in uu dagaal kooban maanta ka dhacay labo meelood oo ka tirsan magaalada Laas Caanood
In ka badan labo isbuuc ayuu socdaa da犀利士 gaalka Laas Caanood oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo xoogag is abaabulay oo ka tirsan dadka deegaanka.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kumannaan qof ay ku barakaceen dagaalkan, kuwaasoo qaarkood u qaxay gudaha halka in ka badan 80,000 oo ruux ay ka tallaabeen xadka Itoobiya.
Muuse Biixi s& Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo sicad loogu sheegeen in uu joojiyaan dagaalka ay ka wadaan magaalada Laascaanood, oo socday saddexdii todobaad ee ugu dambeeyay.
Hogaanka Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Waddani iyo Ucid ayaa maanta kulan la qaatay Safiir ku xigeenka Safiirka ufadhiya Maraykanka Somaliya Amb. Tim Trenkle oo magaalada Hargeysa safar hawleed ku jooga
Kulankan ayay hogaanka xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo safiir kuxigeenku kaga wada hadleen arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin xal u helidda xaaladda Laascaanood iyo sidii loo dardar gelin lahaa arrimaha doorashada Madaxtooyada si isbedel hoggaamineed dalka uga dhaco.
Sidoo kale masuuliyiintan ka socday safaarada Maraykanku ku leeyahay Somaliya ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka socda xukuumada Somaliland oo uu hogaaminayo Muuse Biixi Cabdi.