6″‘ Feb “2023 “REUTERS
Wararka ka imaanaya magaalada laascaanood ayaa sheegaya in weli halkaa laga maqlayo rasaas xoog leh oo isugu jirta kuwa yaryar iyo kuwa qoryaha lidka diyaaradaha.
Wararkii ugu danbeeyay dagaalka 犀利士 magaalaada Laascaanod ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaartay 34 qof sida ay Reuters u xaqiijiyeen dhakhaatiirta isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood.
Somaliland oo ku dhawaaqday gooni-isu-taagg ay Somalia kaga go,ayso sanadii 1991-kii ayaa wajahaday dagaalyahannada gobolka Sool oo iyana isku raacay in ay ka go,een iyaga iyo in ay ka mid yihiin 🇸🇴Soomaali-Weeyn
Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland ayaa sheegay in subaxnimadii Isniinta uu dagaal dhexmaray Iyaga iyo xoogag ka soo hor jeeda dowladooda
Dagaalkan ayaa soo jiitamayay muddo bil ah kadib markii ku dhawaad 20 qof ay ku dhinteen dibadbaxyo ka dhashay gacan ku heynta deegaanada lagu muransan yahay.
Somaliland ayaan helin aqoonsi baahsan oo caalami ah oo ku saabsan ka madax-banaanshaheeda, Somalia waxayna la kulantay diidmo ka dhan ah sheegashada dhul ku yaal xuduudka bari ee ay la wadaagto Puntland oo ka mid ah maamul-goboleedka Soomaaliyeed.
Maxamed Faarax, oo ah dhaqtarka Isbitaalka Laascaanood ee xarunta maamulka gobolka Sool, ayaa sheegay in ugu yaraan 34 qof ay ku dhinteen 40 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkii Isniintii-Faarax ayaa sheegay in uu arkay meydadka la keenay isbitaalka.
Maamulka Somaliland oo Reuters ay wax ka weydiisay tirada dhimashada ayaan ka jawaabin, Inkastoo war saxaafaadeed ka soo baxay dhinaca Somaliland lagu sheegay kooxo hubaysan oo ay soo abaabuleen wax ay ugu yeereen “garaadada nabadiidka ah ay ciidankooda weerar ku soo qaadeen”
Cabdirisaaq Maxamed Xasan (Falaalug) oo ah afhayeenka guddi ka kooban 33 oday dhaqameed oo reer Laascaanood ah oo BBC-la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay weerar kusoo qaadeen si loo carqaladeeyo shirkii ay maanta kusoo gabagabeynayeen halkaas.
Falaalug Waxa uu beeniyay hadalka lagu sheegay warka kasoo baxay dhinaca Somaliland ee ah in ay dadka deegaanka billaabeen rasaasta