29″ July 2022
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen xiryo ay Ciidanka Liyuu Booliis ku犀利士 leeyihiin deegaanka Aato oo ka tirsan Gobolka Bakool.
Goobjoogeyaal la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalameyaasha Al-shabaab ay magaalada ka weerareen saddex jiho, taasi oo dhalisay in dagaal xooggan uu qarxo.
Dagaalka oo ku billaawday Madaafiic ayaa qarxay waaberigii hore ee Saaka, isaga oo illaa hadda socda, waxaa labada dhinac isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan.
Diyaaraha Miletiriga Itoobiyaa ayaa lagu arkayaa hawada deegaanka Aato, kuwaasi oo duqeynaya goobaha ay ku sugan yihiin dagaalameyaasha Al-shabaab ee wararka qaaday.
Warbaahinta Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa baahisay, in laga hortagey dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo doonayay in ay gudaha u galaan dalka Itoobiya.
Al-shabaab oo dhankooda ka hadlay dagaalka socda ayaa sheegay in khasaare gaarsiiyeen Ciidamada Liyuu Booliiska, isla markaasna ay nolosha ku qabteen Maxaabiis nool