Deegaanda Ceelgaras Iyo Ceel la helay oo Ku dhaw In Laga Sifeeyo Dagaalamayaasha Shabaab

Ciidamada Xoogga dalka qeybta 21-aad ayaa sheegay in ay Al-Shabaab ka saareen deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

waxaana ka mid ah deegaanadaas Bulacle, Xirsi-fiin, Cada-xaar, Ceel-guureeye iyo God-dhurwaa kuwaas oo koofur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Dagaalka oo bilowday saaka aroortii ayaa Wali socanaya, waxaana Saraakiisha Ciidanka horkacaya ay sheegeen in ay kusii dhawaanaya deegaanada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas halkaas oo Al-shabaab Mudo ku dhow 10 sano ay maamulayaan.

Saraakiisha Howlgalkan hogaaminaysa ayaa inoo xaqiijiyey in dagaalamayaasha Al-shaaab maanta la gaarsiiyey Jab aad u xoogan, waa sida ay hadalka u dhigeene Saraakiishu.

Waxaa ay sheegeen in khasaare xooggan gaarsiiyen Al-shabaab, iydoo sida ay sheegen ay degaanka  bulacle yaallan meydadka dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab oo garayo ku dhawaad 10 Dagaalame, kuwaasi oo ciidamada dowlada ku dileen dagaalka ka dhacay degaankaas.

Marka laga tago guulaha ay sheegteen Ciidabka Dowladda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo ay kaga hadlayan dagaalada saaka tan iyo maanta ka socda Gobolka Galgaduud.

Leave a Reply