Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kaas oo gaystay khasaare aad u xooggan.
Dagaal oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa si gaar ah uga qarxay deegaanka Labi-caano oo bari uga beegan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana maleeshiyaadka ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay ug yaraan 11 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan oo isugu jiro dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka dagaalamay ay isku heystaan daaq iyo waraab, waxayna kasoo kala jeedaan magaalooyinka Ceelgaras iyo Dhuusamareeb.
Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhinacyada dagaalamaya ay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan halkaasi.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Galmudug, balse waxaa lagu soo warramayaa in ciidamo ka tirsan maamulka ay ku baxeen
Gobollada dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay colaad beeleedyo saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaannada hoostaga gobolladaasi.