Dheeho👀Wararka Ku Saabsan Dhacdooyinkii Ugu Danbeeyay ee Daadadka ku dhuftay Somalia

13- November-2023

➡Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka taagan xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, taas oo ka dhalatay xaaladda Elnino oo si weyn loga dareemay dalka, waxaana haatan xaaladda ugu adag laga soo warinayaa magaalooyinka ay marayaan wabiyada iyo kuwa u dhow xeebaha, halkaas oo ay ku dhufteen daadad xoogan oo sababay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh.

Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay ku fatahay

Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay ku fatahay deegaannada Buula-mareer iyo Golweyn ee gobolka Shabeelaha hoose, waxaana sawiro halkaas laga soo qaaday muujinayaan saameynta fataahadda.

Wakiil wareedka Telefishinka qaranka ee gobolka Sh/hoose ayaa soo warinaya in kannaalada biyaha Webiga gudbiya ay sababeen fataahadda, waxeyna saameyn xooggan ku yeesheen dalaggii Beeraha ee dhawaan la beeray.

Sidoo kale degmooyinka Afgooye, Awdheegle iyo deegaanka jannaale ayaa iyagane Wabigu ku fattahay inkastoo aan ilaa iyo hadda wax khasaare nafeed ah la soo werin.

Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah u dirtay degmada Doolow

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo ku howllan u gurmashada shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay daadadka #elniño iyo fatahaadaha ay saameeyeen wabiyada ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cade waxa ay ka dirtay diyaarad sidda qaybaha kala duwan ee raashinka taas oo ku wajahan degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Degmadaan waxa ay ka mid tahay goobaha sameenta adag ay ka gaysteen daadadka iyo fatahaadaha, waxaana deeqdaan raashinka ah loogu talagalay in la gaarsiiyo bulshada ku nool degmada Doolow.

Shixnadaan mucaawinada ah ayaa gaaraysa ilaa 7-ton, waxaana hore sidaan oo kale hay’adda ay gurmadyo nuucaan oo kale ah ugu dirtay magaaloyinka BAYDHABO, Baardheere iyo Luuq.

Deeqdaan waxaa iska kaashaday Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland

âž¡Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Gedo, Sheekh Maxamed Xuseen Alqaadi oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda gobolkaas oo ay maalmihii u dambeeyay ay ku dhufteen roobaab daadad wata iyo fatahaado.

Alqaadi ayaa shaaca ka qaaday in weli xaalad bani’aadanimo ay ka jirto gobolka, isaga oo sheegay inay haatan ugu sii daran tahay degmada Baardheere oo ay weli ku go’doonsan yihiib qoyasas badan.

âž¡Sida Gurmad Loo Gaarsiin Lahaa Deegaanada Daadadku Ay Samreyeen

➡Guddiga Qaran ee Gurmadka fatahaadaha oo la kulmay mas’uuliyiin ka kala socday Hay’adaha deeqaha bixiya

Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha iyo daadadka El-Niño ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa ay kulan gaar ah kula qaateen Wakiilo iyo Masuuliyiin ka kala socday hay’addaha deeqaha bixiya ee wadamada islaamka iyo Ururka iskaashiga is犀利士 laamka (OIC ).

Kulankaan oo deg-degdeg ahaa ayaa  ku saabsanaa Isku-dubbaridka Bani’aadamnimada ee kuwa ay saameeyeen El-Niño, waxaana lagu  soo bandhigay Xaalada Guud ee Saameeynta Fatahaadaha iyo Barakaca dadka dagan deeganada ay fatahaada ka dhacday.

Leave a Reply