Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo ka dhacay duleedka Muqdisho

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ciidanka NISA ay saakay ku fashiliyeen labo gaari oo Khawaarijtu ay ku soo rareen qaraxyo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “”Ciidamada ammaanka oo ka warhelay dhagarta ay Khawaarijtu soo maleegeen ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan qaraxyadaas, Taliyaha NISA oo tegay goobihii lagu fashiliyey dhagartii Khawaarijta ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka howlgala aagaas” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan ka dhacay duleedka Muqdisho, waxaana mid kamid ah lagu beegsaday xero ay ku sugnaayeen ciiidanka Nabad-sugidda.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan ka dhacay duleedka Muqdisho, waxaana mid kamid ah lagu beegsaday xero ay ku sugnaayeen ciiidanka Nabad-sugidda.

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay duleedka Muqdisho, kuwaas oo loo adeegsaday gawaari qaraxyo laga soo buuxiyay.

Weerarka koowaad oo ahaa ismiidaamin ayaa ka dhacay degmada Garasbaaley, waxaana lagu beegsaday barkoontarool ay oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa NISA.

Inta la xaqiijiyay illaa 4 askari ayaa ku dhimatay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Dadka dhintay waxaa kamid ah Fahad Salaad Maxamed oo ahaa wiil dhalinyaro ah, isla markaana ahaa darawal, kaas oo gaarigii Cabdille Bilaha ee uu waday u dhigay baabuurka qarxay, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya.

Sidoo kale qaraxa labaad ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana uu ahaa gaari la dhigay xaafad ay daganaayeen dad shacab ah.

Gaariga ayaa qarxay, waxaana goobta tegay ciidamo ka tirsan kuwa Hay’adda NISA, balse ma jiro wax khasaare nafeed ah ee uu gaystay qaraxaasi.