4,December 2020 Baladweyne
Magaalada baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa saaka ku waaberiisatay dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Janaraal Xuud iyo Ciidanka dowladda ee ku sugan Gobolkaaasi, waxaana jira khasaaro ka dhashay dagaalkaasi.
Ciidamada Jabhadda ayaa Oroornimadii hore ee Saaka waxaa ay la wareegeen qeybo kamid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-taako iyo aga-gaarka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.
Ciidanka Dowladda oo oo ka kooban Boolis, Nabad Sugid iyo Millatari ayaa la sheegay in ay isku dayeen in xaafadaha iyo goobaha muhiimka ah ay ka saaraan Jabhadda, balse waxaa dagaal xooggan kala hor yimid Malleyshiyaadka jabhadda oo ah ku aad u hubeysan, Magaaladana ka qabsaday goobo muhiim ah sida ay soo sheegayaan goobjoogayaal ku sugan magaalada baaldweyne.
Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kaal duwan, waxaana la sheegay in laba ruux ay ku dhaawacmeen , oo ruux mid ka mid ah uu yahay ciidamada Janeraal Xuud, halka mid ka kale ee dhaawacmay uu yahay Qof shacab ah, mana jiro khasaaro kale oo lasoo wariyay, inkastoo aysan Mas’uuliyiinta Gobolka wax war ah kasoo saarin dagaalkasi iyo khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay.
Dhanka kale Bannaanbax ballaaran ayaa ayaa ka dhacay magaalada baladweyne, waxaana uu ahaa mid looga oo horjeeday Maamulka cusub ee Cali Guudlaawe Xuseen oo ah Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle, waxaana la filayay in Madaxweynuhu uu Maanta gaaro Magaalada Baladweyne, balse taasi waxaa saaka si weyn kaga carooday bulshada reer Baladweyne oo la shegay in ay kasoo horjeedaan imaanshiyaha Cali Guudlaawe ee magaalada Baladweyne.
Waxaana guud ahaanba baaqday socdaalkii Cali Guudlaawe ee Gobolka Hiiraan, waxaana hadda ay xaaladda Baladweyne ay tahay Mid deggan, waxaana joogsaday Bannaanbaxii tan iyo saaka ka socday Magaalada.
Xaaladda siyaasadeed ee Gobolka Hiiraan ayaa ah mid qasan, iyadoo bulshada reer Hiiraan ay si weyn kaga xumaadeen Qaabka loo dhisay maamulka cusub ee uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana Magaalada ka dhacay bannnaanbaxyo looga soo horjeedo maamulka, iyadoo sidoo kale Gobolka looga dhawaaqay Jabhad hubeysan oo maamulka dagaal kula jirta