16″ April ” 2021″ MUQDISHO
CUSBOONEEYNSIIN
Xiisad colaadeed ayaa ka jirta caawa magaalada Muqdisho kadib markii Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq John uu dib ugu laabtay deegaanka Shiirkole ee degmada Hodon.
Idaacada Radio dalsan ayaa tabisay In Magaalada Muqdisho caawa ay ka jito xaalad kacsan
Iddaacadu waxay sheegtay in la isla dhex-marayo warar kala duwan oo sheegaya in ay macquul tahay in dagaal uu caawa ka dhaco Muqdisho, gaar ahaan Xaafadda Shiirkole ee Degmada Hodan.
wararku waxaa ay tilmaamayaan in la dareemayo saan-saan dagaal kadib markii Taliyihii hore ee qeybta guud ee booliska gobalka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) uu dib ugu laabtay xaafadda Shiirkoole oo habeenno ka hor wadahadal looga soo waday, kadib markii Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Madaxweynaha galmudug ay kuqanciyeen in uu isago soo baxo Shiirkole oo Ciidan isaga ka amar qaata ay ku sugan yihiin.
sidoo kale waxaa jira warar hoose oo sheegaya in halka uu muqdisho kaga sugnaa Saadaq Joon ay Dowladdu Ciidamo farabadan gaysay taasi oo keentay in uu isaga soo baxo dibna uu ugu laabto Shiirkole oo haray looga waday.
dhanka kale waxaa waxaa la helayaa warar sheegaya in Dowladdu ay Ciidan gaysay aga-gaarka Shiirkole, kuwaasi oo ay Macquul tahay degaal uu dhex-maro iyaga iyo Ciidanka ku sugan Shiirkole.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlaanka Dowladda federaalka ayaa sidoo kale ku sugan Shiirkole, kuwaasi ay ka mid yihiin Xildhibaan C/raxmaan Odawaa, Mahad Salaad iyo Cabdi Saabir.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaannadan ay degi doonaan deegaanka Shirkole oo uu caawa fiidkii dib ugu laabtay Jeneraalka., waxaana ila iyo hadda xaaladda Muqdisho ay tahay mid kacsan
Xildhibaan mahad salaad ayaa Page kiisa soo dhigay hadal qoraal ah oo uu Ku xaqiijinayo abaaulka dagaal ee ku wajahan shiirkole
Mahad salaad ayaa yiri” Xildhibaanadeena Habar Gidir ayaa hada soo gaaray Shiirkole. Farmaajo, Fahad iyo Biixi dadkeena ayay duulaan ku yihiin. Dadkeena waxaan ugu baaqaynaa in ay iska difaacaan cadowga iso soo bahaystay. Waanan ka guuleysanaynaa inshaa’allah.
Shabakada jowhar.com ayaa qortay in caawa xiisad colaadeed ay ka taagan tahay magaalada muqdisho in uu yimid ka dib markii General Saadaq iyo gaadiid dagaal uu wato ayaa la sheegay inay ka gudbeen barta koontarool ee Wadada Jaayga, halkaasoo galabta ay dowladdu ciidan xoog leh geysay si ay u go’doomiso.
Wararka ayaa sheegaya inuu xoog ku gudbay oo ku tagay deegaanka Shiirkole oo ah xaafad ay reerkiisa u badan yihiin isla markaana ku habboon difaaca.
Radio kulmiye ayaa sidoo kale ku waramay sheegay
Ciidamo badan ayaa la soo dhigey gelinkii dambe ee maanta waddooyinka gala garoonka diyaaradaha iyadoo arintaasina uu ka dhashay shaki ah in markale ah dowladu qorsheyneyso weerar ay ku qaado general Saadaq.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Senoter Abshir Bukhaari oo ah guddoomiye ku xigeenka aqalka sare iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ay tageen xaafada Shiirkoole