Wararkii ugu dambeeyey ee hadal-jeedinta musharixiinta madaxweynaha Soomaaliy.

11″May” 2022″ Muqdisho”

Waxaa si rasmi ah goor dhaw Magaalada muqdiaho Gaar ahaan teendhada Afisyooni ee magaalada muqdisho uga bilaawday hadal-jeedinta musharixiinta madaxweynaha, iyada oo maanta loo madalsan yahay dhageysiga khudbadaha 20 musharrax oo ka mid ah 39 musharax oo isu diiwaangeliyey xilka Madaxwaynaha JFS.

Musharixiinta hadlaya ayaa la siiyey min 15 daqiiqo, si ay u soo gudbiyan taariikhdooda, barnaamij siyaasadeedkoda iyo ballan-qaadkooda ku aadan, haddii xilka loo doorto.

Ammaanka xerada ayaa si weyn loo adkeeyey, iyada oo lagu wareejiyey ciidamada howlgalka ATMIS, ex AMISOM si ay u sugaan amniga inta ay socota doorashada.

Qoraal kasoo baxay xalay gudigga Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa lagy shegay in Musharixii kasoo dib dhaco waqtiga lasiiyay usan xaq u laheeyn fursad labaad oo hadaljewdin ah.

Afhayeenka guddiga doorashada madaxweynaha, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimu oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka dalbaday xubnaha musharixiinta ah inay waqtiga ilaaliyaan, isla-markaana ay waqti hore soo gaaraan gudaha xerada Afisyooni, oo ay haatan qaar kamid ah ku su壯陽藥 ganyihiin.

Sidoo kale qaybta labaad ee hadaljeedinta ayaa beri oo Khamiis ah sii socontoonto, kuna beegan 12-ka May, waxaana khubadahooda jeedinayo madaxweynaha talada haayo farmaajo uu ku jiro.
doorashada madaxweynaha oo loolan adag loo gali doonaa sanadkan, iyada oo ay sharaxan yihiin madaxweynayaal hore, wasiir hore iyo madax dalka xilal kala duwan ugu soo qabtay dalkaan.

Leave a Reply