13 May” 2022″. Dhuusamareeb”
Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo ururka Ahlusuna ayaa ka socda xaafada qaar ee magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda Xaafadaha Waaberi iyo Dayax, halkaasi oo la soo warinayo rasaas iyo hoobiyeyaal ay labada dhinac is weedaarsanayaan.
Ciidamadda Dowladda ee ku sugnaa Dhusomarreeb ayaa difaacyo ugu jira Gudaha Magaaladda, waxayna qaarkood saaranyiin dhsmayaasha Dabaqyadda ee ku yaala Caasimadda Galmudug ee Dhusomarreeb.
Waxaa la soo warinaya khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka, kaasi oo soo gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dadka rayidka ah.
Ciidamo Ahlu sunna oo dagaal looga saaray Dhuusamareeb ayaa muddo 6 Billood ah fariinsin ku lahaa degaanka Bohol oo 35 km dhanka Waqooyi Galbeed ka xiga Dhusomarreeb.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Geeda-qorow oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa u sheegay in dagaalka xoogiisa haatan uu ka socdo dhanka waqooyi ee Dhuusamareeb, isla markaana uu sheegay inay weerar kusoo qaadeen Ciidanka hubeysan ee Ahlusunna Waljamaaca.