Wararkii Ugu danbeeyay ee Dagaalka Magaalada Laascaanood

28″ February “2023”

Somaliland oo ka hadashay duqeymo la sheegay in loo gaystay isbitaalka guud ee Laascaanood

Jamhuuriyadda Iskeed 壯陽藥 ugu dhawaaqday madax-banaanida ee Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ciidankeeda uusan marnaba bar-tilmaameedsanayn xarumaha bulshada sida isbitaallada iyo dugsiyada xilli mar sii horreysay ay jireen warar tibaaxaya in dhowr madfac ay maanta ku dhaceen cisbitaalka guud ee magaalada Laasacaanood.

“Wararkan been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada ayaa ah kuwo la doonayo in lagu waxyeeleeyo sumcadda Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Sida muuqaaladii hore lagu arkay, xarumaha waxaa si bareer ah u waxyeeleeya kooxo wajiyo badan leh oo gacan saar la leh kooxaha nabad diidka ah iyo argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalkaas ka soo baxay wasaaradda Difaaca ee Somaliland

Dagaalka Laasacaanood oo sii xoogeysanaya iyo isbitaalka guud ee magaaladaas oo maanta ay madaafiic ku dhaceen

Dhowr madfac ayaa maanta ku dhacay cisbitaalka guud ee magaalada Laasacaanood, xilli bannaanka magaalada ay ku dagaallamayaan ciidanka jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland iyo maleeshiyaad deegaanka ka soo jeeda, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen hawlwadeennada caafimaadka ee cisbitaalkaas.

Muuqaallo laga soo duubay cisbitaalka ayaa muujinaya burbur baahsan oo ka dhalatay duqeynta. Dhanka kale, Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka ay ku soo biireen taliyayaal ciidan oo ka tegay Muqdisho, walow aysan faahfaahin ka bixin arrinkaas.

Dr Axmed Cabdirisaaq Axmed waxa uu kamid yahay dhakhaatiirta ka hawlagala cisbitaalka maanta ay madaafiicdu ku dhaceen, gaar ahaan waxa uu ka hawlgalaa qeybta xaaladaha degdegga ah, waxaan goor dhaweyd weydiinay sida ay wax u dhaceen.

Leave a Reply